4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Xisbiga Jamhuuriga oo ku guuleysatay hogaanka labada Aqal ee Maraykanka


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Waxaa xalay ooTalaada ahayd 04-ta, Nov 2014-ka, soo afjarantay doorashooyinkii qabyada ahaa ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano ‘Mid-term Elections’ waxaana uu tartan adag dhexmaray labada xisbi ee dalka Mareykanka ku loolama ee Jamhuuriga iyo Dimuquraadiga.

Muhiimadda ugu weyn ee tartankan ayaa ahayd ciddii ku awoodda labada aqal ee hoose iyo kan sare ku awood roonaan lahayd, iyadoo murashaxiinta xisbiyada ay si adag ugu loolameen doorashada.

Labada xisbi ayaa ku kala badnaa labada aqal. Xisbiga Dimuquraadiga ayaa ku badnaa haysashada hoggaanka aqalka sare ee Senate-ka, halka xisbiga Jamhuurigu uu ka talin jiray, kuna badnaa aqalka hoose ee Congress-ka.

Sida taariikhdu ay na barayso, muwaadiniinta Maraykanka waxaa dhaqan u ah oo lagu yaqaannaa sida badan inay eedeeyaan xisbiga markaas talada dalka haya oo ay u codeeyaan murashaxiinta xisbiga mucaaradka ah ee aan talada hayn. Doorashooyinkan qabyada ah ee loo yaqaano Midterm Election, ayaa xisbiga Dimuqraadiga ah looga adkaaday xilligii uu Bil Clinton ka ahaa madaxweyne dalka Mareykanka.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa caawa u hoyday guryahooda iyagoo si aad ah u faraxsan, kaddib markii ay ku guulaysteen lix kursi oo cusub, sidaasna ay ku noqdeen aqlabiyadda labada aqal. Guusha u soo hoyatay xisbiga Jamhuuriga ayaa durba walwal galisay xisbiga iminka talada haya ee Dimuquraadiga, iyadoo ragaadin karta dadaallo badan oo uu waday madexweyne Barack H. Obama, waxayna saamayn ku yeelan kartaa doorashada madaxweynenimo ee Mareykanka oo dhici doona sannadka 2016-ka, taasoo Dimuquraadigu uu u diyaarinayo inay uga qaybgasho Hillary Clinton.

Haddaan eego gobolka Minnesota oo Soomaali badan ay ay daggan yihiin waxay indhaha ku hayeen kuraasta ugu muhiimsan xagooda ama ku leh saameynta, waxayna u kala ololeenayeen siyaasiin labada xisbi ka kala socday, waxaase xagga Soomaalida ay xalay guushu raacday xisbiga Dimuquraadiga kaddib markii ay soo noqdeen guddoomiyaha Minnesota, Mark Dayton, Sanotarka Al-Franken iyo Keith Ellison oo aqalka odayaasha looga soo doorto gobolka, matalana xaafadaha Soomaalidu ugu badan ay ka deggen tahay dalka Mareykanka.

Sidaan shalay sheegnay waxaa gobolka Minnesota ka tartamaya afar wiil oo Soomaali ah, waxaana ka guuleystay Said Ali oo noqanaya xubin golaha waxbarashada ee Minneapolis ka tirsan. Said Cali ayaa noqonaya Soomaaligii saddexaad ee xil ka qabta gobolka, iyadoo sannadkii 2010-kii hoggaanka waxbarashada gobolka loo doortay, Xuseen Samatar oo geeriyooday 2012-kii, waxaase dib loogu doortay xilkaas, Maxamud Nuur oo isaguna sanadkan u tartamay baarlamaanka gobolka Minnesota, isagoo ku haray doorashadii hordhaca ahayd ee xisbiga DFL-ka.

C/malik Askar oo u tartamay shalay baarlamaanka Minnesota kana socday xisbiga Jamhuuriga ayaa helay codad dhan 23%, iyadoo haweeneydii la tartamaysay ay heshay 77% codadkii la dhiibtay. Sidoo kale Cabdi Kulane iyo Hassan Yusuf oo ka tartamay magaalada St Cloud ee MN ayaa iyaguna dadaalay, balse ma helin wax guul ah.

Xisbiga Dimuquraadiga ah ayaa xalay ku qabsaday xafladdiisii guusha Hilton Hotel oo ku yaalla bartamaha magaalada Minneapolis, waxaana ka qayb-galay tiro badan oo Somali ah oo ka tirsan taageerayaasha xisbiga, kuwo ka howlgala xafiisyada xisbiga, waxaana khudbado ka jeediyay madaxdii xalay guulaysatay ee xisbiga Dimuquraadiga, iyagoo sheegay inay fulin doonaan ballan-qaadyadii lagu soo dooratay.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA