4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Khilaafka Madaxda Somalia oo sii xoogeysanaya iyo Mooshin la diyaarinayo


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Khilaafka u dhexeeya madaxda dalka ayaa sababay in kala qaybsanaan ay soo dhexgasho, xubnaha baarlamaanka Somalia, taasoo ahayd mid horay looga bartay, waxaana xildhibaannno taageersan yihiin madaxweynaha ay billaabeen inay mooshin ka dhan ah ra’iisul waasaraha Soomaaliya diyaariyaan.

Labada garab ee ay xildhibaannadu u kala jabeen ayaa dibadda si cad ugu soo baxday dibadda, kaddib markii ay shalay Muqdisho kulammo iska soo horjeeda ku yeesheen mudanayaal kala taageersan madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud iyo ra’iisul wasaarihiisa, C/weli Sh. Axmed, kuwaasoo qaarkood ay sheegeen in la doonayo in baarlamaanka la keeno mooshin sharci-darro ah, halka kuwa kalena ay xuseen in mooshinku yahay xalka ugu dambeeya ee lagu dhameyn karo khilaafka madaxda sare ee dalka.

“Mooshinku waa xalka midka ugu dambeeyay, marka hore madaxda dalka haddii uu soo dhex-galo khilaaf, waxaa wanaagsan inay iyagu si hoose ku dhameystaan, balse haddii ay noqoto inay khilaafka xallin waayaan, ayna wada-shaqeyn karin, waxaa xal noqonaya in mooshin lagu kala saaro,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo saxaafadda la hadlayay.

Xildhibaan Maareeye ayaa hadalkiisa ku daray in khilaafka madaxda dalka uu soo taagnaa sideeddii bilood ee ugu dambeysay, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay in markii la magacaabay xukuumadda la isla gaaray habeenka gallinkiisa dambe, ummadda Soomaaliyeedna ay markhaati ka tahay inuu khilaafka madaxda sare weli jiro.

“Haddii xal la waayo, xildhibaannadu waxay wax ku xallin karaan Mooshin, waana mid ay xaq u leeyihiin, haddii aysan madaxdu wada-shaqeyn karin oo xal dastuuri ah ku dhameeyaan khilaafka,” ayuu hadalkiisa xildhibaanku ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, waxaa jira xildhibaanno kale oo iyaguna aaminsan in mooshinka la wado uu yahay mid aan sharci ahayn, iyagoo ku taliyay in madaxda dalka ay khilaafkooda ku dhameeyaan si hoose, iyagoo ka digay in mooshin la hor-keeno baarlamaanka.

“Anigu waxaan u arkaa in mooshinka la diyaarinayo uusan ahayn mid sharci ah, waayo khilaafku wuxuu u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul waasarihiisa, waxaana qabaa in labadoodu ay khilaafka xal ka gaaraan, sidoo kalena xubnaha baarlamaanka iyagoo danta guud fiirinaya waa inay ka shaqeeyaan in khilaafka la xalliyo inta aan mooshin la keenin,” ayuu mudane Cabdi Xaashi C/llaahi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa hadalkiisa raaciyay in haddii xukuumadda jirta la rido, aanay waqti heli doonin xukuumadda la dhisayo, wax ay qaban kartana ma jirto. Isagoo xusay inuu u arko in mooshin la diyaariyo uusan xalku ku jirin, maadaama ay howl badan u taallo dowladda, waqtiga xukuumadda u harayna uu yahay mid aad u kooban.

Labada mas’uul ee dalka u sarreeya ayaa loolan adag ku jira, iyadoo labada mas’uul ay xod-xodasho kula jiraan xildhibaannada baarlamaanka Somalia, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka si weyn looga dareemayo saameynta khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno qaba in khilaafka madaxda dalka lagu dhameeyo si sharciga waafaqsan, iyadoo meesha laga saarayo waxay ugu yeereen nin jeclaysi.

Mudane Daahir Xasan Cabdi guddiga dastuurka baarlamaanka Somalia kana tirsan guddiga dastuurka baarlamaanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in iyagoo mideysan ay wajahaan sidii khilaafka madaxda dowladda Somalia xal loogu heli lahaa.

“Waxaan aad u jeclaan lahaa in xildhibaannada baarlamaanka Somalia ay ka midoobaan kala qaybsanaanta ayna si sharciga dalka waafaqsan u xalliyaan khilaafka jira. Maadaama khilaafku uu yahay mid ka dhashay dastuurka lana ogaado inuusan ahayn mid ay keeneen madaxda dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray Avv. Daahir Xasan.

Khilaafka madaxda dalka ayaa waxaa dhanka kale walaac aad u xooggan ka muujisay beesha caalamka, waxayna ku tilmaameen khilaafka uu sabab u noqon karo burbur ku yimaada horumarkii dowladdu gaartay, iyadoo sidoo kale uu khliaafku walaac xooggan geliyay qaybaha bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya