4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Qaraxyo iyo Rasaas Maanta laga Maqlay Magaalada Mandheera (SAWIRRO)


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Qaraxyo iyo rasaas is xig xigay, ayaa maanta laga maqlay magaalada Mandheera ee ka tirsan gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya, kaddib markii Bambaanooyin lagu aasay wado uu dhismo ka socday.

Inta la og'yahay hal qof ayaa ku dhaawacmay afar qarax oo ka dhacay wadada weyn ee isku xirto magaalooyinka Mandheera iyo Raamo ee lagu magacaabo Rhamua Road oo dayac-tir dhismo ah laga wado.

Taliyaha guud ee Ciidamadda Booliska County-ga Mandheera Noah Mvivanda, ayaa sheegay in illaa iyo hada ay 20 qof u xireen dhacdadaas, isla markaasna ay wali wadaan baaritaano ku saabsan cidii ka dambeysay qaraxyadaas.

Taliyaha qeybta Saldhiga Booliska Mandheera  Ekai Maruk, ayaa isaguna dhankiisa sheegay in qaraxyadaas loo adeegsaday Bambaanooyin gacan ku sameys ah, isla markaasna lagu aasay wadada lagu magacaabo Rhamua Road meel ku dhow boosteejada baabuurta aado magaalada Rhamu.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in mid kamid ah darawaladii waday baabuurtii fulineysay howsha dhismaha wadadaas uu dhaawac soo gaaray, loona qaaday Isbitaalka magaalada si loo dabiibo.

Dhanka kale wararka ka imaanaayo magaalada Mandheera, ayaa intaas ku daraayo in Ciidamada amniga ay ku guuleysteen iney qarxiyaan qaar ka mid ahaa Bambaanooyinkii dhulka lagu aasay kadib markii ay arkeen xili aynan wali qarxin.

Sidoo kale gudaha magaalada Mandheera, ayaa maanta waxaa laga maqlay dhawaqa rasaas ay kor u rideen ciidamada loo yaqaano Home guard ee illaaliyo magaaladaas, oo xabado ku kala ceyriyay dad iskugu soo xoomay meelihii qaraxyadaas ay ka dhaceen.

Saacid Xuseen Aadan oo ka mid ah dadka ku dhaqan Mandheera oo qadka taleefoonka ay HOL kula xiriirtay ayaa sheegay in xaalada magaaladaas ay hadda tahay mid degen, isagoona intaas ku daray in dadka deegaanku ay maanta cabsi xoogan dareemeen markii ay maqleen dhawaqa Rasaasta iyo qaraxyada.

Mandheera oo hadda ay ka socdaan mashaariic lagu horumarinayo ayaa ku dhawaad labo isbuuc waxaa ka jiray falal ammaanka lidi ku ah, kuwaasoo inta badan ka dhacay wadada weyn ee dhex marto magaaladaas oo dhismo uu ka socdo.

Sidoo kale bilihii aynu soo dhaafnay, ayaa waxaa ka jiray Mandheera dagaallo u dhaxeeyay labo beellood oo halkaas wada dago.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]  
Nairobi – Kenya