4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntalnd Cabdi-Wali Maxamed Cali Gaas ayaa magaalada Garowe ku qaabilay wafdi ka socday Qaramada Midoobay oo uu horkacayay madaxa xafiiska UN-HABITAT ee Soomaliya Mr.Dragan Tatic.

War ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheeagy in madaxweynaha iyo masuulkan ay ka wada hadleen arimo ku aadan in mashaariic horumarineed oo dheeraad ah laga hirgalayo magaaloyinka Garowe iyo Bosaaso.

Magaala Bosaaso waxaa labadii sano ee la soo dhafay ka socday dadaallo ay horkacayso hay’adda UN HABITAT oo lagu dhisayo jidad muhiim ah oo ku yaalla bartamaha magaalada ,iyadoo oo la kaashanaysa qaar kamid ah ururada maxaliga ah ee ka howl-gala gobolka.

“Waxaa madaxweyne Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo Dragan ay diirada si gaar ah u saareen in mashruuca JPLG looga faa’ideeyo dadka barakacayaasha ah ee Puntland ku nool “ayaa lagu yiri warka madaxtooyada ka soo baxay.

Ugu danbayn, labada masuul ayaa si wada jir ah u soo hadal-qaaday in wada shaqayn dhow laga yeesho hirgalinta mashaariic lagu horumarin karo biyaha Puntland ,iyadoo qaybo kamid ah maamulka ay ka jirto abaar dad badani saamaysay

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]