4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Xildhibaano ku hanjabay inay Mooshin ka keenayaan gudoonka baarlamanka

Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Xildhibaanno Muqdisho ku kulmay ayaa sheegay in haddii ra’iisul waasaraha Soomaaliya laga keeno mooshin ay iyaguna mooshin ka keeni doonaan guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Mudanayaashan oo u muuqda kuwo taageersan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed ayaa sheegay in haddii mooshin la keeno baarlamaanka uu sababi karo inay xil-dhibaannadu gacmaha iskula tagaan sidii horay u dhici jirtay oo kale.

“Waxaan halkan ka sheegayaa in haddii mooshin la keeni baarlamaanka ay xildhibaannadu gacmaha iskula tegi doonaan, waayo hadda baarlamaanku wuxuu u muuqdaa mid ka duwan kuwii KMG ahaa oo mar walba haddii la keeno mooshin gacmaha iskula tegi jiray, balse mooshin hadda la keeno dib ayuu ugu celin doonaa baarlamaanka sida kuwii hore,” ayuu yiri xildhibaan Sanyare oo ka mid ah xildhibaannadii ka hadlay kulankan.

Kulankan oo dhacay shalay ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay xildhibaanno kale, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha ay ku wargelinayaan inuu ka digtoonaado in mooshin uu ka keeno ra’iisul wasaaraha, iyagoo xusay inay horay madaxweynaha uga dalbadeen inuu ka fiirsado mooshinnada is-daba-socda ee laga keenayo ra’iisul waasarayaasha.

“Dastuurka waxaa ku jira qodob noo ogolaanaya inaan mooshin ka keenno guddoonka baarlamaanka kaasoo ah qodobka 27-aaad oo uu horay ugu baxay Sheekh Aadan Madoobe, waxaana guddoonka ku wargelinaynaa in haddii la keeno mooshin ka dhan ah ra’iisul waasaraha ay iyaguna ka keeni doonaan mooshinkaas oo kale guddoonka baarlamaanka sharcigana uu u ogol yahay,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan Sanyare.

Mudanayaal kale oo iyaguna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay si aad ah uga digayaan in baarlamaanka la keeno mooshin, kuwaasoo sheegay inay u arkaan mooshinka la doonayo in baarlamaanka la horkeeno mid laga soo abaabulayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Hadalka xildhibaannadan ayaa imaanaya ayaa kusoo beegmaya iyadoo xubno ka tirsan baarlamaanka ay iyaguna shalay ku shireen Muqdisho, kuwaasoo ka dalbaday danjire Nicholas Kay inuu raalli-gelin ka bixiyo hadal uu ugu gefay xildhibaannada baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya