4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
GOODAX: Fatahaadaha Webiga Shabeelle Waa kuwo ka Tan Weyn sidii hore


Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in fatahaada uu webiga shabeelle ka geysanayo gobollada dalka qaarkood ay tahay mid aad ugu tan weyn sidii hore, isagoo xusay in saddex gobol uu webigu fatahaado kala duwan ka geystay.

Goodax ayaa intaas ku daray in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ku bixin doonto sidii xal loogu heli lahaa fatahaadaha, si aysan fatahaaduhu u kala xirin deegaannada gobollada dalka.

Sidoo kale, wasiirka oo la hadlayay BBC-da ayaa xusay in dowladda Somalia aanay awood u lahayd inay hesho dhaqaale looga hortago fataahada, balse ay caalamka la kaashanayso sidii wax looga qaban lahaa fatahaadaha.

“Dowladdu waxay ka war-haysaa dhammaan marxaladaha uu webiga ku sugan yahay iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la caawiyo dadka ay abaarta iyo daadadku saam-eeyeen,” ayuu yiri C/llaahi Goodax.

Wasiirku wuxuu sheegay in fatahaada wabiga shabeelle ay saameyn xoog leh ku yeelatay gobolada Hiiraan, Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose, isagoo caalamka weydiistay sidii dowladda gacan loogu siin lahaa wax ka qabashada fatahaadahan.

“Xukuumadda Somalia waa mid u nugul wax ka qabashada iyo ka hortagidda daadadka uu webiga Shabeelle ku sameynay gobollada dalka qaarkood iyo kuwa kale ee laga baqdinta qabo inay ku dhuftaan fatahaadaha,” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xaafado ka tirsan Beledweyne looga qaxay fatahaadaha webiga Shabeelle uu ku sameeyay, sidoo kalena wuxuu fatahaado ku sameeyay webigu degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya