4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 5 , 2014
Dabley Ganacsade ku Toogtay Magaalada Boosaaso iyo Askari Rasaas Furay

Arbaco, November 05, 2014 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xalay lagu diley ganacsade caan ahaa oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Caalim. Dabley hubeysan ayaa toogtey xilli uu ku sugnaa banaanka hore ee Hotel Karama, kuwaasoo dur-badiiba goobta ka baxsaday.

Ciidamada booliska ayaa daqiiqado kaddib goobta soo gaarey, waxayna markiiba goobta ka sameeyeen baaritaan muddo kooban socday, inkastoo aan falkaas weli cidna loosoo qaban.

Ganacsdaha la diley oo kasoo jeeda deegaanka Galgala ee gobolka Bari waxay walaalo ahaayeen wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga C/jamaal Cismaan Maxamed.

Dhanka kale askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland ayaa rasaas ku furay gaari yar oo bas ah. Rasaasta waxaa ku geeriyoodey nin mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Askariga rasaasta furay wuxuu la socdey kolonyo Ciidamada Badda ka tirsan oo marayey isgoyska Gaaca. Lama oga sababta waxaase sida dad goob-joogeyaal ahi HOL u sheegeen askarigu doonayey inuu jidka ku furo si kolonyada ciidanku u gudubto maadaama xilligaas laamigu mashquul ahaa.

Ammaanka magaalada Boosaaso ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey aad u wanaagsanaa marka loo barbar dhigo intii u dhexeysey 2010-2011, xiligaaso dilal badan oo qorsheysni Boosaaso ka dhaceen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya