4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Shirkada Albayrak oo sheegtay inay dowladda ku wareejisay Malaayiin doolar


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — War-saxaafadeed maanta kasoo baxay maamulka shirkadda Albayrak ee dalka Turkiga laga leeyahay oo bil ka hor la wareegatay maamulka dekedda Muqdisho ayaa lagu sheegay daqliga soo xarooday muddadii bisha ahayd ee ay maamulayeen dekedda iyo amniga dekedda.

Shirkaddu waxay sheegay inay dowadda ku wareejisay lacagtii ay saamiga u lahyd taasoo ay cadadkeeda ku sheegtay 1,582,000 Milyan (Hal Milyan shan boqol iyo sideetan iyo laba kun) oo doollarka Mareykanka ah.

War-saxaafadeedka ayaa waxaa saxaafadda u akhriyay maareeyaha guud ee shirkadda Al-bayrak, Mustafa Lavent Adali. Wuxuuna u qoraa sidaan: Dakada magaalada Muqdisho waxay gaartay horumar lixaad leh oo la taaban karo mudadii bisha ahayd ee aan dekedda maamulkeeda gacanta ku haynay.

Sida aad la wada socotaan dowladdu waxay xoogaa dhaqaale ah ka heli jirtay canshuuraha kaliya, laakiin hadda waxaa imaanaya wax soo saar kale oo xaga dhaqaalaha ah; taasoo ah shaqada dekedda oo ay dowladdu wax ka heleyso.

DHAGEYSO: Warbixinta Maareeyaha Shirkadda Albayrak oo English ah

Maanta, waxaan maamulka dekedda ee dowladda ku wareejinay lacag dhan (Hal milyan, shan boqol iyo sideetan iyo laba kun oo doollarka Mareykanka ah. $1,582.000.00. Waana markii ugu horreysay muddo 20 sano ah oo ay dowladdu ka hesho dekedda Muqdisho dhaqaale intaan la eg, waxaana aad u rajeynaynaa in dhaqaalaha dekedda uga soo xarooda dowladda Somalia uu si weyn u kordhi doono mustaqbalka nagu soo aadan. Waxaana rajeyneynaa in dekedda Muqdisho ay noqon doonto deked casri ah mar dhow.

Horumarka dhaqale ee ay dekeddu ku tallaabsatay wuxuu imanayaa, iyadoo qarashkii ganacsatadu bixin jireen aan kor loo qaadin, balse qiimo-dhimis loo sameeyey badeecahada ganacsatada qaarkood soo dagsadaan kuwaasoo ay ka mid yihiin Container-rada 40-ka feet ah oo laga bixin jiray $600, waxaana hoos u dhignay 11%, waxaana hadda laga qaadaa $540 oo keliya.

Konteennarada 20-ka feet ah, waxaa laga bixin jiray $400, hadda waxaa la qaadaa $350, waa qiimo-dhimis ka badan 14%. Halkii tan oo Sonkorta ah waxaa la bixin jiray $17 doollar, halka hadda aanu ka dhignay $16.8 halkii tan.

Taas micnaheedu waa in kharashaadkii dekedda lagu bixin jiray si hoos ah loo dhigay, iyadoo dhaqaale fiicanna dalku helayo waana arrin maslaxad u ah dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Mustafa Lavent oo ka hadlayay dhinaca ammaanka dekedda ayuu sheegay in muddadii bisha ahayd ee ay maamulayeen dekedda Muqdisho, waxay booliiska iyo kuwa nabadsugiddu ku qabteen qalab ciidan iyo oo si sharci-darro ah kusoo galayay dalka, aad ayaana ugu mahad-celineynaa dadaalkooda iyo wada-shqqeyntooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya