4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Xildhibaanno weydiistay danjire Kay inuu Raalli-gelin ka bixiyo hadal uu ugu Gefay (DHAGEYSO)


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dalka ayaa maanta ugu baaqay ergayga QM ee Somalia Nicholas Kay inuu raalligelin ka bixiyo eedeyn ku saabsan laaluush ay xildhibaannada ku bedelanayaan codadkooda si kalsoonida loogala noqdo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Danjire Kay ayaa dhawaan sheegay inuu ka walaacsan yahay inay lacago laaluush ah ku bedelanayaan xildhibaannadu baarlamaanka Somalia codadkooda si kalsoonida loogala noqdo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo qoraal kasoo baxay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka u akhriyay warbaahinta ayaa sheegay in danjire Kay uu gef u geystay hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay hadalkii uu sheegay mid nasiib-darro ah.

DHAGEYSO: WARSAXAAFADEEDKA XILDHIBAANNADA SOMALIA

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay joojiso faragalinta ay dalka ku hayso, ayna ilaaliso dastuurka Soomaaliya u degsan, waxaana si gaar ah u weydiisanaysaa danjire Kay inuu raalli-gelin ka bixiyo hadalkii uu dhawaan sheegay,” ayuu yiri xildhibaan Maareeye.

Sidoo kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay xildhibaannada ayaa lagu xusay in erayada qoraalkii danjire Kay uu xafiiskiisa kasoo saaray 02 Nov, 2014-ka uu yahay mid ka baxsan hab-dhaqanka dublamaasiyada uuna meel-ka-dhac ku yahay dastuurka, xorriyadda iyo madax-bannaanida Soomaaliya, sida ay qabaan shuruucda calaamiga ah iyo qodobka koowaad ee dastuurka dalka.

“Wakiilku wuxuu meel uga dhacay sharafka iyo karaamada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya isagoo xiganaya warar suuqeed aan sal iyo raad toona lahayn, maqaamkiisana aan ku habboonayn,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay maanta xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, ergayga ayaa sheegay in khilaafka soo kala dhex-galay raii'sul wasaaraha iyo madaxwaynaha Somalia uu halis ku yahay horumarradii ay dawladda Soomaaliya ka gaartay xasilinta iyo nabadeynta waddanka.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaanno kale oo ka tirsan baarlamaanka Somalia oo la hadlay warbaahinta qaarkeed ayaa sheegay in dhaqanka ah inay xildhibaannadu laaluush qaataan xilliyada ay khilaafyadu jiraan ay caado ka ahayd Soomaaliya muddo dheer, balse waxay ka gaabsadeen in xilligan uu jiro mooshin lacago lagu kala qaadanayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya