4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Wasaaradda Warfaafinta Puntland oo u digtey shirkadaha isgaarsiinta


Talaado, November 04, 2014 (HOL) —Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa digniin u jeedisey qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta oo la sheegay inay  ku xadgudbeen heshiis dhowaan iyaga iyo Dowladdu wada gaareen.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiweli Xirsi  (Indho Guran) oo xafiiskiisa magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in qaar kamid ah shirkaduhu bedeleen qiimihii horay laysugu afgartay in daqiiqadaha hadalka lagu gado.

Heshiis dhowaan madaxda shirkadaha isgaarsiinta iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntland gaareen ayaa dhigayey in qiimaha laysku wacayo laga dhigo gudaha Puntland $0.027, gudaha Sooaaliya $0.054 iyo qiimaha  dibadda oo noqonaya $ 0.36.

Indho Guran ayaa digniin u jeediyey saddexda shirkadood ee ugu waaweyn Puntland (Golis, Nation Link iyo Somtel) isagoo xusay in dowladu talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto hadii ay jebiyaan heshiiska.

Dhowaan ayey ahayd markii dowladu cashuur dul saaratay qiimeyaasha laysku waco ee shirakadaha isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale ku amartay shirkaduhu inay hal qiime oo go'an daqiiqadaha hadalka ku iibiyaan.

Cabasho xooggan oo arintan la xiriirta ayaa maalmihii u dambeeyey kasoo yeereysey dadweynaha oo iyagu sheegay in saddex laab laga dhigay qiimaha hadalka gaar ahaan marka dibadda la wacayo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya