4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Beledweyne oo laga hadal-hayo khilaafka Madaxda dalka iyo Walaaca Dunida


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Inkastoo dhagaha shacabka Somalia marka la eego aysan ku cusubeyn maqalka madaxweyne iyo ra’iisal wasaare khilaaf u dhexeeyo ayaa hadda dhinaca kale khilaafka hadda jira waxaa xiisaha ugu badan u yeellaya walaac beesha caalamka iyo hadalkii ka soo yeeray danjiraha QM oo markii ugu horeysay eedeyn dusha uga tuuray xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Magaalada Beledweyne marka aad eegto goobaha lagu kulamo oo ay bulshada ku badan tahay sidda meelaha lagu qaxweeyo iyo gadiidka dadweynaha ee BL-kahadal heynta ugu badan waa khilaafka madaxweyne Xassan Sheekh iyo ra’iisal wasaare C/wali iyo sidda ay beesha calaamka u wajahday khilaafka.

Marka aad si dhab ah u dhuuxdo doodaha kala duwan ee bulshada ee ku aadan khilaafka taagan waxaa kuu muuqanaya in lagu kala aragti duwan yahay oo kooxba walba si gaar ah dareenkeeda u cabireyso, laakiin hadda waxaan meesha ka marneyn wal walka ay dadku ka qabaan mustaqbalka sidda xaalku ahaan karo haddii uu khilaafkani noqdo mid sii jiitama.

Aqoonyahan Cismaan C/llaahi Xaanshi oo ka mid ah dadka sidda weyn arrimahan u lafa-gura kuna dhaqan magaalada Beledweyne ayaa HOL u sheegay in nuxurka khilaafka hadda jira uusan aheyn mid sharci ku saleysan, laakiin halka wax ka qariban yihiin tahay is kooxeysi  iyo kala jiidasho dowladda dhaxdeeda ah.

“Iska daa khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisal wasaarihiisa xitaa xubnaha ku jira golaha wasiirrada ayaa u kala qeybsan labada dhinac, baalamaankana waa la mid, taa ayaa dilaal kugu fillan in waxa leysku hayo aysan aheyn wax sharciga iyo dastuurka dalka salka ku haya, haddii ay ahaan laheyd arrintan nid sharciga quseysa mar hore ayaaba la kala bixi lahaa, sidda daraadeed waxaan is leeyahay xaalku  waxaa uu ku danbeyn doonaa  siddii horayba loo arkay in baarlamaanka leysla tago xukuumada hadda jirtana meesha ka baxdo ayuu yiri,’’ Cismaan C/llaahi Xaanshi.

Laakiin taa waxaa ka soo horjeeda aqoonyahan Cabdulqaadir Cali Dhaqane oo qaba in khilaafka hadda jira yahay mid salka ku haya dastuurka oo markiiba horeba aan si cad loo qeexin, isagoo intaa raaciay in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha mid walba uu gaar awood u siinayo taasoo keenta sidda uu hadalka u dhigay xili kasta in ay is qabsadaan madaxweynaha  iyo ra’iisal wasaaraha.

“Dhibaatada waxaa ay ka jirtaa dastuurka oo mar marka qaar la oran karo waa mid loo qoray sidda in aan waligeed la kala bixin oo kale, waayo si cad uma qeexayo awoodaha madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, waana tan keentay in labada mas’uul ee dalka ugu sareysa mid walba uu iskii iskula qab-weynaado isaga oo isku haleynaya dastuurka, tusaalle ahaan ra’iisal wasaaraha waxaa uu isku arkaa shaqsi u madaxbanaan howlaha xukuumada haddii wasiir la badallayo, haddii mid kale la magacaabayo ama haddii wasiirrada leysku shaan-dheynayo intaba, laakiiin taa badalkeeda madaxweynaha ayaa meesha ku jira oo isagana isku arkaya shaqsi aysan la’aantii waxba socon karin oo tallaabo kasta oo ra’iisal wasaarahu qaadayo tahay in uu la socodsiiyo ayuu yiri,’ ’C/qaadir Cali Dhaqane.

Hadalkii ka soo yeeray  wakiilka QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay ee ku aadanaa inay  jiraan xildhibaanno codkooda iibsanaya si xukuumada hadda jirta loo rido, ayuu sheegay aqoonayahan Cismaan C/llaahi Xaanshi in uu ahaa hadal diblumaasiyada ka durugsan, loona baahnaa in Nicholas Kay si kala wax u dhigo.

“Waxaad moodaa in danjire Nicholas Kay si qaawan oo aan diblumasiyad  ku dhisneyn uu hadalkiisa u dhigin, dabcan haddii uusan ogeyn xildhibaanno la laaluushayo waxaa ka habooneyd in uusan soo qaadan war suuq, haddii uu og-yahayna uu sheego tiradooda iyo cidda laaluushka bixineysa intaba,  maxaa yeellay xildhibaannada xaasaanad ayeey leeyihiin wey dhib badan tahay in diblumaasi heer calaami ah uu sidan oo kale u weeraro ayuu yiri,’’ Cismaan C/llaahi Xaanshi.

Marka aad in cabaar ah joogto meelaha lagu fadhi ku diriro waxaa kuu muuqanaya in dadku la kala safan yihiin aragtiyada iska soo horjeeda ee madaxda Qaranka, iyado mar marka qaarna doodayaashu kuma sigtaain ay fadhiga ku kala kacaan marka uu xaalka qaraaraado.

Tani waxaa ay muujineysa sidda siyaasada Soomaalida u qiimo beeshay la yaabna malaha haddii aad su’aal ka weydiiso qof kugu dhow wax ka dhax soconaya Villa Somalia inuu si sahal ah kugu jawaabo; isagoo waliba xaqiiqda jirta abaaraya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya