4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Xukuumadda Somalia oo Muqdisho ka Musaa-furisay Wariyeyaal Afrikaan ah

Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Dowladda Somalia ayaa maanta ka musaafurisay Muqdisho wariyeyaal Afrikaan ah oo ay dowladdu sheegtay in ay dhawaan sharci-daror kusoo galeen Muqdisho, iyadoo tallaabadaas ay soo dhaweeyeen suxufiyiinta Muqdisho iyo ururka NUSOJ.

Suxufiyiintaan oo laba ahaa ayaa u kala dhashay dalalka Uganda iyo Ghana, kuwaasoo doonayay inay tababar u furaan saxafiyiin Soomaaliyeed, kaas oo uu soo qabanqaabiyay Cumar Faaruuq oo horay u ahaa xoghayaha guud ee NUSOJ.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Colaad Rooble ayaa ku tilmaamay wariyeyaashan ajnabiga ah inaanay soo marin wasaaradda markii ay dalka soo galayeen, taasoo keentay sida uu sheegay inay maanta dib uga celiyaan Muqdisho, wuxuua ku eedeeyay saxafiyiinta ajnabi ah inay si sharci-darro ah kusoo galaan dalka.

Xoghayaha guud ee ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed NUSOJ, Max'ed Ibraahim Bakistaan oo isaguna hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada suxufiyiintan looga musaafuriyay Muqdisho, waxaana uu dhankiisa xusay inaanay soo marin ururkooda saxafiyiintaas ajnabiga ah ee dalka laga musaafuriyay maanta.

Muqdisho ayaa waxaa yimaada saxafiyiin ajnabi ah oo doonaya inay warar iyo warbixino ka diyaariyaan xaaladaha uu dalku ku sugan yahay, kuwaasoo la xiriiraan shirkado amni gaar loo leeyahay si ay ammaankooda u sugaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya