4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Doorashada Minnesota oo loo Dareeray iyo Kaalinta Soomaalida (SAWIRRO)


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Maanta oo Talaado ah kuna beegan 04 Nov, 2014-ka ayaa waxaa loo dareerayaa doorashada dalka Maraykanka waana doorasho muhiim ah oo lagu soo dooran doono xubnaha ugu sarreysa gobollada, baarlamaanka sare iyo aqalka odayaasha, doorashadaas oo ay ku tartami doonaan labada xisbi ee Mareykanka.

Haddaba, maalmihii lasoo dhaafay waxaa goobaha ay u badan yihiin dadka Soomaaliyeed, sida suuqyada waawayn oo kala ah Karmel, Mall-24 iyo xaafada Cedar lagu arkayay musharraxiinta labada xisbi ee dalkan ee kala ah Dimuruqaadiga iyo Jamhuuriga, iyagoo ka dalbanayay codadkooda dadka Soomaaliyeed, xaflad kastoo ay dhigtaan, kuwaasoo ay ka murashaxiintu ka dhex-muuqdeen.

Maalmahii Sabtigii waxaan la arkayay mudane, Keith Ellison oo saaxiib dhow la ah Soomaalida, ahna siyaasiga keliya ee arrimaha Soomaalida sida aadka ah uga hadla ayaa booqday Maalka-24, isagoo dadka Soomaaliyeed kulamo kala duwan la qaatay, wuxuuna ka dhageysatay baahiyahooda, isagoo sidoo kalena weydiistay inay codadkooda siiyaan.

Shalay oo Isniin ahayd xaafadda Cedar, abbaare 2:30 duhurnimo waxaa soo istaagay bas aad u weyn oo murashaxiintu xisbiga DFL ay ku dhamaayeen, kasoo loogu yeero xisbiga Dumiraqaadiga ee reer Minnesota, waxaa baska kusoo dhaweenayay musharaxiinta, Cabdi Warsame oo ah guddoomiyaha dagmada lixaad ee Minneapolis. Baska musharaxiinta kasoo dagay kuwa ugu caansan waxaa ka mid ahaa Al-Franken, Keith Elison, Rebecca Otto, Steve Simon, Siad Ali, Rebecca Gagnon.

Waxaa kaloo iyagana la socday, Amy Klobuchar iyo duqda magaalada, Betsy Hodges, kuwaasoo la hadlay dadwayne halkaas isagu soo ururay, waxayna dadka ku boorriyeen inay u codeeyaan xisbigooda oo ah kan caawin doona dadka Soomaaliyeed dhamaantood. Sidoo kale waxay jeediyeen khudbado ay ku doonayaan dadka codadkooda.

Xildhibaan Keith Allison oo ka mid ahaa xubihii hadalka jeediyay ayaa xusay inay ka shaqeeyeen jiritaanka xawilaadaha, waxna ka qaban doonaan sidii loo caawin lahaa dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu ku dhufteen iyo inay dhaqaale galin doonaan waxbarashada iyo caafimaadka dadka dan-yarta ah, dhamaantoodna waxay u mahad-naqayeen, Cabdi Warasme iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota.

Dhanka kale, xisbiga Jamhuuriga ma dadaal yara, toddobaadyo ka hor ayaa musharaxa kasoo horjeeda guddoomiyaha gobolka Minnesota, Mark Dayton oo lagu magacaabo Jeff Jonhson waxuu la kulmay odayaasha Jaaliyadda, isagoo weydiistay inuu sanandkan doonayo inuu isbedel ku sameeyo gobolka, wuxuuna weydiistay inay ay Soomaalidu siiyaan codkooda xisbiga Jamhuuriga; waxaana sanadkan tartanka ugu jira wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Cabdimalik Askar, kaasoo ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo gobolka soo daga sannadkii 1992-kii, haddana wuxuu ka mid yahay tartamayaasha xaafad ka mid ah kuwa ay Soomaalidu aadka u degen tahay, isagoo la tartamaya haweenay 74-jir ah 30-sano in ka badan kursiga baarlamaanka xaafadda 60B ee MN ku fadhiday, laguna magacaaabo, Phyllis Kahn, iyadoo la ogyahay in xisbigan uusan taageerayaal badan ku lahayn Soomaalida.

Kuraasta waa-weyn ee loo tartamayo waa guddoomiyaha gobolka iyo qofkii geli lahaa aqalka sare ee baarlamaanka Maraykanka oo lagu magacaabo aqalka senate-ka.

Murashaxiinta Soomaalida ah ee sanadkan tartanka ku jira waa afar oo kala ah; Said Ali oo u tartamaya golaha waxbarashada Minneapolis, cidnana lama tartamayso, Abdimalik Askar oo u tartamaya baarlamaanka Minnesota, gaar xaafada 60B, Abdi Kulane oo u tartamaya golaha deegaanka St Cloud iyo Hassan Yusuf oo isaguna u tartamaya golaha waxbarashada ee St Cloud.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA