4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Siminnaar ku saabsan Xallinta Khilaafaadka oo ay CCA ku Qabatay Muqdisho.


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Siminnaar ku saabsan xalinta khilaafaadyada kala duwan (Conflict Resolution) ayna kasoo qayb-galeen in ku dhow 200 oo ruux oo ka kala socday qaybaha bulshada degmada Shangaani ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmadaas ee Muqdisho.

Siminaarkan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda wacyi-gelinta bulshada ee CCA ayaa waxaa furitaankiisii kasoo qayb-galay mas’uuliyiin isugu jiray heer degmo, heer qaran iyo madax mataleysay Ururada Bulshada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmadda Shangaani, Saciid C/qadir Saciid oo furitaankii ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo siminaarkaas ay hay’adda CCA u qabatay bulshada degmadiisa, isagoo tilmaamay inuu shacabka Shangaani uu ku baraarujinaayo inay sida ugu fiican uga faa’iidaystaan casharada lagu baranayo siminaarka.

Wasiirkii hore ee warfaafinta Somalia, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow, wasiir ku xigeenkii warfaafinta Puntland, Cabdishakuur Mire Aadan iyo guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo dimuquraadiyadda, Salaad Cali Jeele oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in qabashada siminaarkan lagu soo beegay xilligii loo baahnaa, waxayna sheegeen inay kula talinayaan ka qayb-galayaasha siminaarka inay xallinta khilaafaadka ka bilaabaan dariskooda illaa ay ka gaaraan heer Qaran.

Guddoomiyaha hay'adda CCA, Maxamed Ibraahim Cali (Cajiib) oo si rasmi ah u furay siminnaarkaasi ayaa cadeeyay inay ugu talo-galeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen wacyiga bulshadda ee ku aaddan arrimaha khilaafaadka iyo sida loo xaliyo, wuxuuna hoosta ka xariiqey in hay’adda CCA ay ka go’an tahay u adeegida bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cajiib oo hadalkiisa sii wata wuxuu xusay in siminaarkan oo kale ay ka qaban doonaan goobo kale oo dalka ka tirsan, isagoo ku cel-celiyay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in nabada lagu wada noolaado si looga fogaado hadba wixii khilaaf ah ee imaan kara.

Xubnihii ka qayb-qaadanayay siminaarkaas oo isugu jiray odayaal, haween, dhallinyaro iyo culummaa’uddiin ayaa halkaasi ku qaatay casharo la xiriira xallinta khilaafaadka, qodobada casharada waxaa ka mid ahaa; Waa maxay khilaaaf?,  Astaamaha khilaafka, Sababaha khilaafaadyada keena, heerarka uu maro, waxyaabaha kordhiya, dhibaatooyinka laga dhaxlo, noocyada ku badan Soomaaliya, khilaafku faa’iido iyo khasaaro muxuu leeyahay iyo tubta uga habboon ee lagu xalin karo khilaafaadka.

Maamulka Shangani iyo qaar ka mida ah ka qayb-galayaashii siminaarka ayaa gaba-gabadiisii sheegay inay ku faraxsan yihiin duruusta la siyay, iyagoo sheegay inay u hawl-galayaan hadba wixii khilaaf ah oo ay la kulmaan qaabkii ay u xallin lahayeen, waxayna aad ugu mahadceliyeen hay’adda CCA oo isku soo qaban-qaabisay siminaarka.

Shankaroon Xasan Cabdi iyo Fahmo Aadan Sugow oo ku hadlayey magaca dhallinyaradii tababarka ka qayb-qaadanayay ayaa si wadajir ah u sheegay in khilaafyadii inta badan ka dhacay Soomaaliya ay ku lug lahaayeen xoogag u badan dhallinta Soomaaliyeed, kuwaasoo ay tilmaameen in si qaldan looga faa’iideystay, iyagoo xusay in dhallinta maanta ay ka digtoon yihiin in lagu marin habaabiyo fikradaha qaldan sida xag-jirnimada, nabad la’aanta IWM.

Tababarka ayaa qabashadiisa waxaa uu kusoo beegmay xili uu khilaaf darani ku dhex-jiro mas’uuliyiinta sar-sare ee dalka, kaasoo loo baahan yahay in si wada-hadal nabadeed ah lagu dhameeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya