4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Xiisad Colaadeed oo Taleex ka Taagnayd oo dadaal loogu jiro in la soo Afjaro

Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Waxgarad degaanno kala duwan ka imaanaya ayaa gaaraya degmada Taleex oo xiisad colaadeed oo ka taagan tahay oo u dhexeysa labada beelood oo wada-dega.

Boqolaal odayaal iyo ciidammo ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Laascaanood, xudun iyo koonfurta degmada Ceeri-gaabo si ay qayb uga noqdaan sidii xal loogu heli lahaa xiisada colaadeed ee halkaas ka taagnayd tan iyo December 2011-kii.

Baashe Cali Jaamac oo ka mid ah qurba-joogta degmada Laascaanood ayaa halkaas gaaray waxaana uu HOL u sheegay in isaga iyo ragga la socda oo 40 gaaraya ay halkaas ku sugnaan doonaan illaa xal kama dambays ah laga helayo.

Sidoo kale, C/raxmaan Xirsi "Uur-beyte" oo degaanka Koonfurta Sanaag ka soo jeeda kana mid ah qurba-joogta Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa soo gaarsiiyay odayaal degmada Taleex, waxaanu wadaa sidii loosoo kordhin lahaa ciidammo badanna loo keeni lahaa si ay hubka dhigis u sameeyaan ka hor inata aan la heshiin.

Dadaalkan Qurba-joogtu hormuudka ka yihiin waxaa kasii horreeyay guddi 13 oday ah oo uu madax u yahay, Caaqil C/llaahi Cali Abokor oo muddo bilo ah waday hawshan; laakiinse hadba falal jebiya xabad joojinta ay qal-qal geliyeen.

Tirada dadkii ku dhintay dagaalka ayaa kor u dhaafay 20-qof, iyadoo inta badan ay yihiin ciidammo watay direyska Puntland. Madaxwene ku xigeenka oo deegaanka kasoo jeeda kuna sugan taleex ayaa falka dhacay dusha kaga tuuray beeshiisa, walow dhawr jeer maamulka Puntland qirtay inay ka xaq baxayaan dadkii waxyeeladu ku soo gaadhey Taleex.

Is-fami-waaga ka dhex-taagan labada beelood ee wada-dega magaalada Taleex (Sama-kaab Cali iyo Faarax Cali) ayaa gacmo siyaasadeed ay ku dhex-jiraan; iyadoo maamullada Khatumo, Puntland iyo Somaliland ay daneynayaan deegaankaas, sidaas darteedna ay muhiim tahay inay saaxiibo ku lahaadaan waana in hubka iyo rasaastuba ay noqdaan kuwo laga haqab la-yahay, iyadoo ciidamadu ay u dheer tahay mushaar ay qaataan.

Lama saadaalin karo sida ay ku dambeynayso; laakiinse waa xiligii mudada dheer ugu baaxada balaarnaa ee dadku ay si toos ah ugu dhigtaan dhaayo naxariiseed sidii lagu joojin lagaa colaadaas walaalaha Taleex wada-dega oo haatan khad cagaaran kala qaybiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya