4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Cukuse oo amaro kusoo rogay xarumaha saxaafada & SOLJA oo ka hadashay

Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta amaro cusub kusoo rogay xarumaha warbaahinta, isla markaana sheegay in wariyeyaasha kaadhadh lagu aqoonsanayo wariyeyaasha ka doontaan wasaaradiisa iyo inay xarumaha warbaahintu cashuurta bixiyaan.

Haseyeeshee, hadalkaasi wasiirka ka soo baxay waxa ganafka ku dhuftay ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo jawaabka bixiyey amaradda wasiirka sheegayna in cashuurta ay waydiin karto uun wasaaradda Maaliyadda iyo xeer ilaalinta oo qudha balse aanu wasiirku arrimahaasi ka hadli karin.

Wasiirka warfaafinta C/llaahi Cukuse oo Shir Jaraa’id  ku qabtay Xarunta Wasaaradiisa, ayaa sheegay in dhamaan warbaahinta ka hawlgasha Somalilnad ay u doontaan liisamo iyo kaadhadh warieyaasha la sinayo wasaaradda.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in maanta laga bilaabo lagu dhaqi doono wariyeyaasha xeerka saxaafadda ee xeer lambar 27 oo warbaahintu intu in badan ku doodi jiray in lagu dhaqo.

“Xeerar Saxaafadda khuseeya maanta hal xeer baynu haynaa oo waa Xeer lambar 27.waa Xeerka Ururada Saxaafaddu inbadan ku qaylinayeen xeerkaas hanaloo daayo.Xeerkaas Saxaafadda ee Lam 27 ee Daahir Rayaale Saxeexay ee Madaxweyne Siilaanyo saxeexay, ee Labada gole baarlamaan ansixiyay,xeerkaas baanu maanta laga bilaabo idinku dhaqaynaa” ayuu yidhi Wasiir Cukuse oo ka hadlayey xeerka lagu dhaqi doonno warbaahinta khaladka ka gasha.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in la samayn doono guddi anshax marinta saxaafadda, waxaanu yidhi “waxa la samayn doonnaa guddi Anshax marinta Saxaafadda oo Xeer lambar 27 Jiidaynayo,taasi oo cid walba ka madax banaan islamarkaana uu Xafiis u samaynay,waxayna ka koobnaanaysaa sida uu sheegay Wariyeyaal Ruug Caddaa ah”.

“Waxaanu Liisamada bilaabaynaa todobaadka soo socda,waxaa la imanayaa Xafiiska Agaasimaha guud,waa la isdiwaangalinayaa,waxaad  buuxinaysaa Foom,haddii aad Website leedahay,haddaad Jaraa’id Leedahay, leedahay Madbac iyo kuwan Boodhadhka Xaysiiska, haddaad Tv ama Idaacad leedahay.Agaasimaha guud baad u imanaysaan waxaanuna u samaynaynaa Kaadhkii Hay’addaas warbaahineed kaga qayb gali lahayd goobaha loo baahan yahay(Goobaha Wararka),waxaanu kuu samayn doonaa Liisan aad Cashuurta ku bixiso Sanadkii hal mar,waxaanad ku shubi doontaa Xafiiska Maaliyadda wixii dalku xaq kuugu yeesho” ayuu  hadalkiisa wasiirku raaciyey.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay inuu mulkiilaha UNIVERSAL raaligalin ka bixiyey khaladkii uu gallay, isla markaana sida heshiishyada xarumaha warbaahineed u gali doonaan taas oo ah in la ilaaliyo qaranimadda Somaliland.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,ayaa  ganafka ku dhuftay  hadaladdii ka soo yeedhay wasiir Cukuse, isla markaana sheegay inay warbaahinta madaxa banaani maamuli Karin xukuumaddu.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa soo dhoweeyey xeerka uu wasiirku sheegay in lagu dhaqi doonno wariyeyaasha, waxaanu yidhi “Horta waanu soo dhaweynaynaa wasiir,imbadan baanu kuugu taag la’ayn Xeerka Saxaafadda ee lambar 27 Sanadkiisuna ahaa 2004 ee Madaxweyne Daahir Rayaale Saxeexay,labada Gole baarlamaana Ansixiyay ee Madaxweyne Siilaanyo-na Wareegtada ka soo saaray 2012-kii ee wali ka qarsoon wasaaraddaha iyo meelaha wax  la dhigo”.

Maxamed-rashiid waxa uu wasiir Cukuse ku eedeeyey inuu isagu bilaabay wakhtigii uu tifaftireka ahaa wargeyska Saxansaxo in la qoro magacyadda reeraha iyo in wax laga sheego dumarka madaxtooyadda.

“Waxaan leeyahay Wasiirka haddii Akhlaaq xumo iyo qaybaaladi jirtay adigaa kaw u ahaa,Wasiirku waa Ninkii markii uu Wargeyskiisa Saxansaxo joogay Wargeyska ku qoray war degdeg ah ee yidhi “Beesha Subeer Awal oo isku raacday in Musharaxa madaxweyne Xigeenku yahay Muuse Biixi”haddii aad maanta dhibsanayso waxa TV-yada kale ka baxaya adigaa qabyaalad bilaabay,haddii Sodoh la caayayana Adigaa yidhi Hudi (gabadha Daahir Rayaale)waxay ku soo dukaamaysatay Hal Milyan Oo Dollar,wargayska Saxansaxo ayaanad ku qortay,waxaanu leenahay Wariyeyaal badan oo kaa Akhlaaqad badan baa jooga oo wariyeyaashu bilaa Akhlaaq maaha” ayuu yidhi Xoghayaha SOLJA.

“Waxaan Wasiir kuu sheegayaa Guddida Anshaxa waxaa xaq u leh Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA,qodobkiisa 5-aad baanu ku qoran yahay.waa guddi madaxbanaan, mid Dawlad u adeegana ma noqonayo mid ay dawladdi biilisana ma noqonayo. Wariyeyaashu Xadhigna darajo kuma helaane malaha Xukumaddan ayaa Federal Somalia la saxeexatay oo sidaas u cabudhinaysa Saxaafadda”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Xoghayaha SOLJA waxa uu sheegay in Warbaahintu leedahay Liisan islamarkaana Cashuurta ay kala xaajoon karto oo kaliya Wasaaradda Maaliyadda iyo Xeer ilaalinta Qaranku.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland