4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Gudoomiyaha degmada Kismaayo oo shir uu qabtay kaga hadlay dhowr arrin
11/4/2014Talaado, 04 November, 2014 (HOL) :- Shirkaan jaraa'id ayuu gudoomiyaha uga hadlay arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin arinta dacwooyinka la xiriira dhulalka, dadka ka ganacsada walxaha dhacay iyo weliba dad uu sheegay in ay xaaluf ku hayaan dhirta.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in dacwooyinka la xiriira dhulalka ay soo noqnoqdeen, wuxuuna ugu baaqay dhammaan dadka magaalada Kismaayo ku leh guryaha sharciyeeysan in ay mudo 6 bilood gudahood ah ku dhistaan boosaskooda hadii ay fulin waayaanna booska lagala wareegi doono.

"Waxaan ognahay in dad ka ganacsada raashiinka iyo dawooyinka dhacay ay magaalada joogaan, waxaan leenahay joojiya walxaha dhacay ee aad bulshada ka iibineeysaan, hadii aad ka waantoobi weeysaanna sharciga ayaa la idin horkeeni doonaa," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale digniin u diray dad uu sheegay in ay xaaluf ku hayaan dhirta, kuwaasoo uu sheegay in ay dhirta ay ku gubaan daafaha magaalada ayna ka sameeyaan dhuxul.

"Anagoo joogno in dhuxul lagu gubo daafaha magaalada oo aan marqaati ka noqonno ma yeeleeyno, dadka leh hanti ayaa naga gashay hore ayaan waqti ugu qabannay waa in ay deg deg u joojiyaan, hadii kale ciidan ayaan u diri doonnaa lagamana ogolaan doono in mardanbe ay dhirta gubaan," ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo in ay la shaqeeyaan maamulka, isagoo xusay in dhawaan ay canshuuro kusoo rogi doonaan xaafadaha magaalada, dadkana laga doonayo in ay u hogaansamaan awaamiirta maamulka.

...........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.