4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Safiirka Turkiga u Fadhiya Somalia oo booqasho ku yimid Garowe (SAWIRRO)


Talaado November 04, 2014 (HOL) — Safiirka Turkiga u fadhiya Somalia, Olgan Bekar ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ,waxaana garoonka diyaaradaha kaga hortagay madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi Xakim Camey iyo xubno sare oo ka tirsan maamulka.

Waxaa so dhaweyntiisa ka dib ay kulan waqti gaaban qaatay  wada yeesheen qaar kamid ah masuuliyiinta dowladda ,iyaga oo ka wada–hadlay sidii mashaariicda Turkiga uu Somaliya ka wado ay  Puntland qayb-muhiim ah uga heli lahayd.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdi-xakim Camey ayaa safiirka ka gudoomay mucawino raashin ah oo loogu tala-galay in lagu caawiyo qaar kamid ah caruurta ku xaraysan xarumaha agoonta lagu daryeello ee ku yaalla gobolka.

“Booqashadan waanu soo dhaweynaynaa walaalaha Turkiga waxa ay diyaar-u yihiin in ay wada shaqayn dhow la yeeshaan maamulkan ,waana uga mahad-celinaynaa deeqdan uu na soo gaarsiiyay safiirka “ayuu yiri Camey oo la hadlay warbaahinta.

Safiirka Turkiga ayaa booqasho lagu geeyay xarumo uu kamid yahay isbaatilka guud ee magaalada Garowe qaar kamid ah dugsiyada sare, waxaana soo dhaweyntan ka mahad-celiyay safiirka Turkiga oo tilmaamay in u ku faraxsanyahay booqashada u ku soo gaaray Puntalnd.


Faysal Mohamed Hassan
[email protected]