4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Guddoomiyaha KULMIYE oo sheegay in xeerkii Muranku ka dhashay la saxay

Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Hoggaanka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa sheegay inuu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu khaladaadkii ku jiray xeerka diiwaangelinta ka saaray ka dibna u gudbiyey xeerkii saxsanaa.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Cirro ayaa  hadalkaasi ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, isla markaana aanay jirin xeer khalad ku jiro iyo mid uu dib u saxay toonna.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka hadlaya dib uu saxid uu gudoomiyaha golaha Wakiiladdu ku sameeyey xeerkii muranku ka dhashay, waxaanu yidhi “Waxaa Illaahay mahadii ah kol haddii maanta uu soo Ururay khilaafkaasi oo Gudoomiyihii wakiilada, ahna Gudoomiyaha Waddani uu khaladkii Xafiiskiisa ka baxay saxay.waxaanu Ognahay in Gudoomiyuhu qodobadii la isku haystay ee la lahaa khalad baa ku jira ee rag baarlamaanka ka mid ahi ka dhega adaygeen waliba ku dareen gardaro iyo aflagaado badan inuu saxay,waanuna soo dhaweynaynaa,waxaanuna u aragnaa talaabo loo qaaday dhanka wanaagsan, waa intaynu umadda dheernahay,waana sida Somaliland ku soo caano maashay”.

Haseyeeshee Gudoomiyaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa sheegay inaanay jirin qodobo Muxaafadku diidanaa oo uu ku daray xeerka diwaangalinta iyo wax uu saxay toona.

“Waxaad Maalmahan maqlayseen eedo lay soo jeedinayo,waxaan leeyahay Eedahaas waxba kama jiraan.Gudoomiyuhu isagu ma qoro xeerarka ee Goluhu wuxu leeyahay waaxyo arimahaas u qaabilsan,xeerarkuna waxay maraan Jaran-jarooyin iyo nidaam, kan imika muranka la galiyayna Nidaamka saxda ah buu mari doonaa,labada golena wuu marayaa,haddana wuxuu hor yaalaa Golaha guurtida,waxaanuna rajaynaynaa inay waajibkooda ka gudan doonaan” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo ka jawaabay hadalka muxaafadka ka soo yeedhay.

Sidoo kale, guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,ayaa sheegay in khilaafka golaha Wakiiladdu yahay mid wax lagu saxayo, isla markaana xildhibanaadda mar walba khilaaf ka iman karo, taas oo ay ugu wacan tahay buu yidhi kala aragti duwanaanshaha.

Mar uu ka hadlayey khilaafka golaha ka jira waxa uu yidhi “Baarlamaan ba haddaad aragto waa meel rayigu is jiidhayo oo mar walba buuq iyo qaylo ka taagan tahay.haddaanu doodayn oo maalin walba danta qaranka laga wada hadlayn Baarlamaankaasi wuu dhintay.Baarlamaanku wuu naga madax banaan yahay,waa gole qaran,Xisbiyada oo dhan baa doortay ,halkaas buu iskugu yimid waana la dhaariyay,waxayna u dhaarsan yihiin danta qaranka”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland