4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Hay'adda culummada oo ku baaqday in khilaafka lagu xalliyo Diinta Islaamka


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Hay’adda culummada Soomaaliyeed oo markii ugu horreysay ka hadashay khilaafka madaxda sare ee Somalia u dhexeeya ayaa sheegtay inay sameeyeen guddi khilaafkaas wax ka xalliya.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in khilaafka madaxda dalka u dhexeeya uu caqabad ku noqon karo horumarka la gaaray iyo dowladnimada Soomaaliya.

“Hay’adda culummada Soomaaliyeed iyadoo ka duulaysa waajibka ka saaran ilaalinta mas-laxadda guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxay aad uga walaacsan tahay khilaafka ka dhex-muuqda madaxda sare ee dalka,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay madaxda sare ee Somalia ka codsanayaan inay khilaafkooda si hoose ku xalliyaan, iyagoo danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed ka fekeraya.

DHAGEYSO: SHEEKH BASHIIR AXMED SALAAD

Isagoo hadalkiisa sii wata Sheekh Bashiir ayuu intaas ku daray in hay’addu ay isla garteen qodobbo ay ka mid yihiin: in khilaafka la xalliyo, maadaama uu Islaamka khilaafku ku yahay mid xaaraan ah iyo in khilaafku uu sababo burbur hor leh oo yimaada, wuxuuna sababaa inuu kala qaybiyo madaxda dalka.

“Khilaafku wuxuu sababi karaa faragelin shisheeye, sidaa daraadeed waxaan ku talinaynaa in khilaafkaas si dhaqso ah lagu xalliyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Mar uu ka hadlayay doorka ay ka qaadan karaan sidii khilaafkan xal deg-deg ah looga gaari lahaa ayuu yiri. “Hadda ka hor khilaafyo badan ayaan dhex-galnay, waxaana ku dadaalaynaa in khilaafkaas diinta Islaamka lagu xalliyo, mana jirto wax aan ka hagranayno xallinta khilaafka.”

Ugu dambeyn, Sheekh Bashiir Axmed Salaad wuxuu sheegay in khilaafkan uu hormuud u noqon karo inay kala daadato nabadda yar ee jirta, dadka Soomaaliyeed ay ku mashquulaan hadallada colaaddu ku jirto ee ay isku dhaafsanayaan madaxda dalka warbaahinta kala duwan.

Tan iyo markii uu soo baxay khilaafka u dhexeeya madaxda Somaila ayaa waxaa jirtay hadallo badan oo ay qaybaha bulshadu ka oranayeen sidii lagu xallin lahaa khilaafkan, illaa beesha calaamku ay muujiso inay walaac aad u xooggan ka qabto khilaafkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya