4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Dhallinyaro Midiyo ku hubeysan oo degmada Hodan ku dilay qof haweeney ah

Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Rag ku hubeysan midiyo ayaa xalay ku dilay xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan haweeney ka mid ah dadka xaafaddaas ku nool, waxaana wararku sheegayaan raggii dilka geystay inay baxdaseen.

Haweeneyda la dilay ayaa magacaabi jiray, Hodan Yuusuf Mire, iyadoo lasoo sheegayo inay dileen saddex wiil oo dhallinyaro ah, kuwaasoo aan la ogeyn illaa hadda sababta ka dambeysay dilkooda.

Goobjooge ayaa warbaahinta u sheegay in ragga dilka geysatay ay markii hore kasoo waceen taleefoonka gacant, markii ay timidna ay ku dhufteen todobba jeer toorreeyo ama billaawayaal ay wateen, taasoo keentay inay ku qur-baxdo isla goobta.

Meydka haweeneyda ayaa la geeyay xarunta danbi baarista ee CID si loogu sameeyo baaritaanno dheeraad ah oo la xiriira qaabka loo dilay, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkeeda.

Dilka haweeneydan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin ka hor degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ay rag mooto wata ku toogteen laba ka mid ah gabadhaha dhigta jaamacadaha ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo aan la ogeyn sababta loo dilay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo haweeney lagu dilo Muqdisho, iyadoo dhowr jeer toogasho lagu dilay haween ganacsato iyo guri-joogto isugu jiray, kuwaasoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa dilalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya