4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 4 , 2014
Wafdi ka socda Hay'adaha QM oo Booqday Degmada Garbahaarey ee G/Gedo


Talaado, November 04, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa booqday degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Isniintii shalay, wafdigan ayaa waxaa Garbahaarey kusoo dhaweeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka, Maxamed Cabdi Kaliil.

Kaliil ayaa soo dhaweynta kaddib sheegay in waxyaabaha ugu waaweyn ee ay wafdigan kawada hadleen ay ka mid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa deegaannada ay abaaruhu ka jiraan ee ku yaal dhulka magaalooyinka ka durugsan iyo sidii kor loogu qaadi lahaa nolosha dadka barakacayaasha ah ee xoolahoodii ku waayay abaarta.

Guddomiyaha gobolka Gedo ayaa sheegay inay isla soo qaadeen xubnaha wafdiga sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolka iyo inay si joogta ah uga howlgalaan hay’adaha Qaramada Midoobay ee siyaasadda iyo samafalka qaablisan.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Garbahaarey, Iimaan Caddoow Kaarshe  oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii la kulantay xunihii Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka wada-hadleen arrimo la xiriira sidii loo gargaari lahaa dadka ku dhaqan degmada oo muddo dheer sida uu sheegay wax gargaar ah helin.

“Xubnaha waxay ahaayeen kuwo dhinaca gar-gaarka u qaabilsay hay'addaha Qaramada Midoobay, qiimeyn ayayna ku sameynayeen xaaladda ammaanka degmada iyo sida ugu fudud ee gargaar loo gaarsiin karo dadka ku dhaqan degmada Garbahaarey oo muddo dheer aan wax kaalmo ah helin,'' ayuu yiri Iimaan Kaarshe.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in la isku afgartay in sida ugu dhaqso badan kaalmo loola soo gaaro dadka ku dhaqan degmada oo saameyn xooggan ay ku yeesheen abaarihii sida daran u saameeyay qaybo ka mid gobolka Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya