Ugaaskii Leelkase oo lagu Aasay Goldogob iyo Mas’uuliyiin Goobjoog ka ahaa
Isniin, November 10, 2014 (HOL) — Ugaas Axmed Ugaas Max'ed Cali Geesood oo ahaa ugaaskii beesha Leelkase ayaa degmada Galdogob ee gobolka Mudug lagu aasay maanta, iyadoo aaskiisa ay ka qaybgaleen dad isugu mas’uuliyiin uu ka mid ahaa C/weli Gaas oo ah madaxweynaha maamulka Puntland, culummo, siyaasiyiin iyo shacab.
Marxuumka ayaa shalay ku geeriyooday magaalada Goldogob, iyadoo tan iyo shalay si weyn loogu howlanaa aaskiisa, waxaana aaska kaddib hadallo ka jeediyay goobta mas’uuliyiin, culummo iyo dadweyne kale.
Madaxweynaha Puntland, C/weli Gaas ayaa hadal uu u jeediyay shacabka wuxuu uga tacsiyeeyay geerida ku timid marxuumka, isagoona ALLE uga baryey inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo.
Allaha u raxmadee Ugaas Axmed Ugaas Max'ed Cali ayaa ahaa Ugaaskii guud ee beesha Leelkase. Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay Soomaali fara badan oo ku nool gudaha dalka iyo dibaddiisa.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya