Madaxweyne Siilaanyo xariga ka jaray Jid isku xiraya Gabiley iyo Tog-wajaale
Axad, May 04, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siillaanyo iyo Wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo isku xidhaysa magaalada Kala-Baydh oo labaatan Kiilomitir u jirta Gabiley iyo magaalo ganacsiga Tog-wajaale.
Waddan oo qaybta u badan bixisay xukuumadda ayaa madaxweynuhu sheegay inay ka mid ahayd balanqaadyaddii reer Gabiley u ballanqaadeen wakhtigii ololaha doorashadda ku jireen, taas oo ay kaga dhabeeyeen.
Weftiga madaxweynaha ayaa waxa dhexda kaga horyimid boqolaal dadweyne ah oo reer Tog-wajaale ah, waxaanay ku soo dhoweeyeen magaaladda Tog-wajaale ah oo xarun ganacsi oo isku xidhaa Itoobiya iyo Somalilnad, taas oo suuq weyn u ah Itoobiya.
“Farxad weyn bay ii tahay aniga iyo weftiga iga socdaba furitaanka wadadda Kala baydh iyo Tog-wajaale isku xidhaysa, taas oo dalka iyo dadkaba muhiimad ugu badhidda, waxaanay ka mid ahaayeen waxyaalihii aanu balanqaadnay inaanu qaban doonno”ayuu yidhi madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlayey furitaanka wadadan.
Waxaanu intaas ku daray “Wadooyinku waa waxyaalaha umadda midaynaya ee isku xidhaya, waxaanay ka qaybqaataan horumarinta dalka, waxaanu gobolkani ka mid yahay gobolada wax soo saarka leh ee isku xidha inaga iyo Itoobiya, waxaanay faa’iido weyn u keenaysa dhaqdhaaqa ganacsi ee aynu la leenahay Itoobiya, waxaana balanqaadayna in aanu xoojino dadaalka aanu ugu jirno dhismaha Wadooyinka”
Madaxweynuhu markii uu furay wadadan waxa uu booqday Cisbitaalka degmadda Tog-wajaale oo dhismihiisu ka socdo magaaladda oo doorkii hore uu yimid balanqaaday bilowga cisbitaalkan, kaas oo hadda gabogabo maraya.
Waddadan ayaa hore u ahayd mid raf ah oo dhibaato badan ku qabeen shacabka isticmaala, waxaanay magaaladda Wajaale iyo kastamka kala-baydh ka mid yihiin meelaha dhaqaalaha ugu badan ka soo gasho dawladda, marka laga reebo Dekadda Berbera oo ah meesha dakhliga ugu badan ay ka hesho, sidaa darteed waxay xukuumaddu hore u balanqaaday inay jidkaasi hirgalin doonto si uu u fududaato isku socodka Itoobiya iyo Somaliland, iyadoo hore Itoobiya usoo dhistay jidka Wajaale iyo Jig jiga u dhexeysa.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland