11/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 26, 2014
Khilaafkii u Dhexeeyay Xisbiga KULMIYE oo cirka isku shareeray (SAWIRRO)


Isniin, May 26, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici oo hogaaminaya koox wasiiro u badan ayaa sheegay inay yihiin guddidii fulinta ee xisbiga kulmiye, isla markaana hogaanka xisbiga kulmiye ku tilmaamay qaar gees maray sharcigii xisbiga u yaallay.

Kooxdan ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga kulmiye ee uu shirgudoominayey maanta madaxweyne ku xigeenka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay 36 xubnood oo golaha fulinta kulmiye ah oo uu xalay soo saaray gudoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi, waxaanay si rasmiya ugu dhawaaqeen in golaha dhexe iyo golaha fulinta ee xisbigu bishan June kowdeedda iskugu yimaadaan hoteel Maansoor oo kulankoodii u horeeyey ka dhici doonno shirweynihii lagu doortay ka dib.

“Guddoomiye Muuse Biixi isaga guddida shirgudoonka ku yidhi isku soo ururiya liiska oo wixii khilaaaf ah soo dhameeyo oo la shaqaynayey intii ay hawsha wadeen, maalintii ay liiskii ku dhawaaqeen inay yidhaahdaan hawshaasi looma diran waa nasiib daro”ayuu yidhi madaxweyne ku xigeenka Saylici oo u jawaabayey gudoomiyaha xisbiga kulmiye oo waxba kama jiraan ku tilmaamay liiskii ay soo saareen guddidii shirweynaha xisbigu.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxa xisbigu ku heshiiyey in gudoomiyenimadda xisbiga aan Muuse Biixi lagula tartamin, sidoo kale waxa lagu heshiiyey in musharaxnimada xisbiga dastuurkeenuna xaq u siinayo teeramkiisi labaad inuu ahaado madaxweyne Axmed Siilaanyo, marka waxaan qabaa inay walaaladay soo dhaafayaan wixii xisbigu ku heshiiyey”.

Kulankan ay maanta iskugu yimaadeen 23 xubnood oo ka mid ah guddida fulinta xisbiga ayaa  11 ka mid ahaayeen wasiiradda xukuumadda ee taageersan musharxnimadda madaxweynaha, kana soo horjeedda musharaxnimadda gudoomiyaha xisbiga.

Garabka Musharaxnimada madaxweyne Siilaanyo taageersan ayaa inta badan shirarkooda ku qabsanaya hoteelo, halka garabka gudoomiyaha taageersana shirarkooda ku qabsanayaan xafiiskooda, taasina waxay muujinaysa labada daraf ee aad ka u kala durugsan ee ay kala taageersan yihiin garabyadda xisbiga.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay soo saaray liiska guddida Fulinta xisbiga kulmiye, haseyeeshee waxa ka hor yimid qayb ka mid ah guddida fulinta oo uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Saylici oo sheeggay in aanu gudoomiyuhu xaq u lahayn inuu magacaabo guddida fulinta, balse lagu soo dooranayey shirweynihii xisbiga ee bishii April 28 ku soo dhamaaday magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafka xisbiga kulmiye u dhexeeya gaar ahaan hogaanka xisbigaasi iyo madaxtooyadda, taas oo aanay kooxna samayn wax tanaasul ah, balse u muuqday ku jiqsii iyo midi mid ku taag, iyagoo dadku aaminsan yihiin inay sidii xisbigii weynaa UDUB burbur ku dambayn doono haddii sida ugu dhakhsiyaha badan loo xalin khilaafkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland