Jimco, May 02, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka lixda gobol ee Koonfur-galbeed ayaa kawada Baydhabo hawlo dib u dhisid xarunta madaxtooyada Koonfur galbeed, taallooyin, iyo aargooyin lagu qurxinayo magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay.
Madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed Madoobe Nuunoow ayaa dhagax dhigay dhisme aargo wayn oo lagu dhisayo wadada aadda dhinaca Muqdisho aaada si ay u noqonto mid bilicda magaalada sare u qaadda.
“Aargada waa qurxinta magaalada , waxaana lagu taagayaa calanka Koonfur-galbeed; waxayna qayb ka tahay howlaha uu maamulku wado,” ayuu hadalkiisa ku daray Madoobe Nuurnow Maxamed.
Dhagax-dhigga aargada waxaa goob-joog ka ahaa xubno ka mid ah wasiirrada maamul iyo madaxweyne ku xigeenkiisa, Maxamuud Sayid Aadan, isagoo ka hadlay sidii dib u dhisid loogu sameyn lahaa magaalada, loogana qayb qaadan dib u dhiska guud ee magaalada.
Hiiraan Online, Baydhabo