Axad,
Maarso 09, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu furayay kulliyad cusub ee
culuunta caaifmaadka oo lagu kordhiyay kulliyadaha Jaamacadda Banaadir
ayaa lagu qabtay shalay galab xarunta jaamacadas ee magaalada Muqdisho,
iyadoo ay xaflaaddaas ay ka qaybgaleen xubno aqoonyahano iyo ardayda
wax-ka-barata Jaamacadda isugu jiray.
Kulliyada
cusub ee lagu kordhiyay Jaamacadda Banaadir oo ah kulliyada culuunta
caafimaadka ayaa waxay noqonaysaa kulliyaddii ugu dambeysay ee lagu
daro kulliyadaha Jaamacadda Banaadir ee laga barto laamaha kala duwan
ee cilmiga.
Waxaa
xafladda ka hadlay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jaamacada Banaadir iyo
arday kala duwan oo ka warramay muhiimadda ay kulliyada culuunta
caafimaadka u leedahay bulshada qaybaheeda kala duwan.
Guddoomiyaha
Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munasabadaas khudbad
dheer ka jeediyay ayaa sheegay in dadaal dheer kaddib ay ku guuleysteen
inay kuliyadaha Jaamacada Banaadir kusoo kordhiyaan kulliyada
caafimaadka oo uu xusay inay muhimad gaar ah u leedahay bulshada iyo
bahda caafimaadka.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
“Aad
iyo aad ayay ii farxad galineysaa inaan kasoo qayb galo xafladda
furitaanka kulliyada culuunta caafimaadka oo hadda kaddib ka mid
noqoneysa kulliyadaha Jaamacadda Banaadir iyo gaar ahaan koorso deg-deg
ah oo lagu soo saarayo arday ka qalin-jabineysa sannad kaddib qaybaha
kalkaaliyaasha caafimaadka iyo umulisada oo ah labo qeybood oo baahi
weyn looga qabo dalkeenna,” ayuu yiri Dalmar.
Sidoo
kale, Dr. Dalmar ayaa sheegay in ardayda qaadanaysa maaddooyinkan oo
isugu jira hablo iyo wiilal kor u dhaafaya 100 arday ugu dambeyntii la
siin doono shahaadada koowaad ee Bachelor Degree, isagoo intaa ku daray
in tallaabadani ay dhameystir u tahay riyo uu sheegay inay muddo dheer
kusoo haminayeen.
“Jaamacadda
Banaadir waxaa la furay 12-sano ka hor waxaa lagu furay hal kuliyad oo
ah kuliyadda caafimadka oo lagu barto cilmiga dhaqtarnimada, maalintaas
waan dareemaynay in bahda caafimaadka uusan ahayn oo kaliya dhaqtarka
oo meel walba aan laga heli karin, bukaankana aan la joogeynin wax ka
badan shan daqiiqo,” ayuu intaa ku daray guddoomiyaha.
Guddoomiyaha
jaamacadda Banaadir ayaa intaa ku daray in 12-ka sano ee ay jirtay
jaamacadda ay barteen qaabka loo sameeyo kuliyadaha, ayna taas u
suuro-galisay in Jaamacaddu ay noqoto mid haysata aqoonsi caalami ah,
isagoo xusay inay dhowr Jaacadood Jaamacado oo caalami ah uu ka
dhexeeyo xiriir iskaashi oo dhinaca wax-barashada ah.
Dr.
Dalmar ayaa sheegay in dhismaha kuliyada caafimaadka ay la kaashadeen
ururka (Doctors Worlwide) oo ay ku bahoobeen labada jaamacadood ee ugu
waa-weyn dalka Turkiga iyo machadka caalamiga ah ee loogu magac daray
dhaqtarkii muslimka ahaa Ibnu Siinaa.
Isagoo
hadalkiisa sii wata ayaa Dr. Dalmar waxaa uu sheegay in Jaamacadda
aysan ahayn jaamacad loo furay in dhaqaale laga sameeyo; balse ay tahay
jaamacad ka timid bulshada una timid bulshada oo loo abuuray inay soo
saarto aqoon-yahanno dadkooda wax-tara.
“Anigoo
ka faa’iideysanaya fursada waxan rabaa in halkan ka sheego maadaama aad
tihiin kooxdii ugu horreysay ee Degree ka qaadan doona kuliyadan, in
sadexda arday ee ugu dhibcaha badata ay qaadan doonto Jaamacadda ayna
ka mid noqon doonaan macallimiinteeda,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo la
hadlayay arday saddex sano horey u soo baratay kalkaaliye caafimaad iyo
umuliso oo kuliyaddan looga furay koorso deg-deg ah oo aqoontooda sare
loogu qaadayo.
Hormuudka
Jaamaadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo isna ka hadlay
munaasabaddaas ayaa sheegay in kuliyadda culuunta caafimaadka ay ka
kooban tahay sagaal qaybood, ayna hadda diyaar yihiin illaa afar
qaybood, shanta kalena waxaa uu sheegay inay socdaan qorsheyaashii lagu
howl-gelin lahaa.
“Qaybaha
culuunta caafimaadka hadeysan jirin dhaqtarku keligiis waxba ma qaban
karo, waa baalashii uu ku duuli lahaa, ujeeddada aad wax u baranaysaan
waa inaysan ahaan qaadashada shahaadada Degree-ga kaliya ee waa inay
salka ku heysaa sidii aqoontiinna aad bulshada wax ugu qaban
lahaydeen,” ayuu yiri Biday.
Waxaa
sidoo kale munasabaddaas ka hadlay, Dr. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo
ah madaxa qaybta taqasusiga jaamacadda Banaadir xubinna ka ah
muasasadda Jaamacadaas iyo Dr. C/raxmaan Fiqi oo ka mid ah dhaqaatiirta
Soomaaliyeed kuwasoo ku dheeraaday muhimada ay leedahay kuliyaddan
iyagoo ardayda wax ka baranaysa qaybaha faraha badan ee ay ka kooban
tahay kuliyada kula dardaarmay inay ku dadaalaan aqoonta si ay
mustaqbalka wax uga qabtaan xaaladaha caafimaad-daro ee heysta bulshada
Soomaaliyeed.
Qaar
ka mid ah ardayda wax ka baraneysa kuliyadda culuunta caafimaadka ee
jaamacada Banaadir oo iyana halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku
faraxsan yihiin furitaanka kuliyaddan, iyagoo maamulka Jaamacadda
Banaadir uga mahad-celiyey dadaalka dheerka ah ee ay u galeen
hirgalinteeda, waxayna ballan-qaadeen in aqoonta ay ka bartaan ay uga
faa’iideyn doonaan bulshadooda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya