AMISOM oo Taageertay Mowqifkii Dowladda ee Shirarka Baydhabo
Talaado, Maarso 04, 2014 (HOL) — AMISOM ayaa taageertay
go’aankii ay dowladdu ka istaagtay maamul u sameynta gobollada
Soomaaliya, iyadoo warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska ergayga Midowga
Afrika ee Soomaaliya lagu sheegay in AMISOM ay taageerayso go’aanka
maamul sameynta dalka ee waafaqsan dastuurka KMG ah.
Danjire, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay
taageerayaan halka ay dowladda Soomaaliya iska-taagtay shirarka iska
horjeeda ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay in AMISOM ay ku taageerayso
dowladda qorshayaasha ay ku sameynayso maamullada gobollada dalka.
“AMISOM waxay taageeraysaa go’aanka dowladda ee ku aaddan maamul
sameynta gobollada dalka ee waafaqsan dastuurka dalka. Sidoo kale
waxaan taageeraynaa heshiiskii bishii Ogoosto lagu gaaray Addis Ababa,
waxaana dhinacyada ay quseyso arrinta maamul sameynta aan ugu baaqaynaa
inay ilaaliyaan xasilloonida; ayna ku saleeyaan maamul sameynta
dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yiri Dajire Anaadiif.
Ergaygu wuxuu intaas ku daray in mid ka mid ah shirarka ka socda
Baydhabo lagu dhisay maamul goboleed ka kooban lix gobol, isagoo ka
digay in arrintaas ay muran dhinaca siyaasadda ah dhaliso. Isagoo xusay
inay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay iska kaashanayaan ka hortaggan
khalalaase walba oo dhaca.
Ugu dambeyn; wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku shirsan Baydhabo
inay ka fogaadaan wax walba oo nabadda carqalad ku keeni kara, isagoo
sidoo kale ku baaqay in dhammaan dhinacyada Soomaalida ay furan shirar
go’aanno looga gaarayo muranka siyaasdeed ee jira.
Hadalkan ayaa wuxuu imaanaya xilli maamulka Koonfur-galbeed ee
Soomaaliya oo lix gobol ay xubno ka yihiin ay u doorteen madaxweynaha
maamulkaas Madoobe Nuunow Maxamed oo xildhibaan iyo wasiir kasoo noqday
dowladihii KMG ahaa ee dalka soo maray.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay shalay soo saartay warbixin ay ku
caddeynayso mowqifkeeda ku aaddan shirarka iska soo horjeeda ee
Baydhabo ka socda, iyagoo sheegay inay taageerayaan shirka lagu dhisayo
maamul ka kooban saddex gobol oo Baydhabo ka socda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya