4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 31, 2014
Kal-fadhi aan caadi ahayn oo u furmay Baarlammaanka Puntland (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhi aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wakiillada ee Puntland.

Kal-fadhigan oo ah kii labaad ee  Baarlamaanka cusub ee Puntland uu yeesho tan iyo markii la dhaariyey bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, waxaa arrimaha ugu waaweyn ee lagu gorfeyn doono kamid ah miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta oo ay soo xaadireen 48 xildhibaan oo kamid ah 66-da xildhibaan ee Goluhu uu ka kooban yahay, waxaa ugu horreyn khudbad dhinacyo badan taabaneysey ka jeediyey Madaxweyne Gaas.

Madaxweynuhu wuxuu ka warbixiyey safarro uu dhowaan ku tegey qaar kamid ah gobollada Puntland, kulammo uu la yeeshay bulshooyinka gobolladaas ku dhaqan; iyo safiiro ka tirsan kuwa Midowga Yurub iyo weliba waxyaabaha uu kala hadlay.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Wuxuuna sheegay in dhammaan deegaannadii uu tegey si weyn loogu soo dhoweeyey, dadkuna ay sheegeen in ay dowladda si fiican ula shaqeyn doonaan, balse ay codsadeen in dowladdu ay dadaal badan ku bixiso sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada.

Ugu dambeyntii wuxuu C/weli Gaas ugu baaqay xildhibaannada baarlamaanka inay dib ugu laabtaan si joogta ahna uga war hayaan deegaannadii laga soo doortay, maadaama ay mas'uuliyad weyni ka saaran tahay horumarinta deegaannadii ay ka yimaadeen iyo weliba nolosha dadkii usoo xushay inay metelaan.

Dhanka kale, waxaa isna Golaha la hadlay Wasiirka Maaliyadda Shire Xaaji Faarax, isagoo si kooban uga warbixiyey misaaniyadda dowladda ee sanadka 2014, iyo weliba meelaha ay dowladu u qorsheysay in miisaaniyadda badankeeda lagu bixiyo.

Shire Xaaji wuxuu xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday inay si fiican uga doodaan misaaniyadda, sida ugu dhaqsaha badanna u ansixiyaan, maadaama ansixinta miisaaniyadda ay ku xiran yihiin qorsheyaal badan oo horumarinta Puntland la xiriira.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maalamaha soo socda ka doodi doona misaaniyadda sanadka 2014 oo dhowaan ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisey.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya