Isniin, Maarso 31, 2014 (HOL) —Dowladda Puntland ayaa taageertay mid kamid ah maamullada koonfur-galeed Soomaaliya ee dhowaan lagu dhisay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagu sheegay in Puntland ay taageersan tahay soona dhoweynayso maamulka uu hormuudka u yahay Madaxweyne Maxamed Xaaji C/rnuur.
"Dawlada Puntland waxay soo dhawaynasaa doorashadii sida nabadgelyada ah ku dhacday ee loogu doortay in Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur noqdo Madaxweynaha maamul goboleedka cusub ee Koonfurta Galbeed Soomaaliya.." war-saxaafadeedka ayaa sidaas lagu yiri.
Puntland ayaa dhanka kale ku boorrisay Dowladda Dhexe iyo beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka dhashay dhismaha maamul goboleedka koonfur-galbeed Soomaaliya.
"Waxaan ugu baaqaynaa Dawlada Fedaralka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay fududeeyaan waxkasta oo abuuraya jewi wada hadal oo wanaagsan oo ay yeeshaan dhinacyada ka wada tirsan maamulka Koonfurta Galbeed ee Soomaaliya, si loo helo maamul ku dhisan nabad buuxda iyo caddaalad..."
Ugu dambeyntii waxay Puntland ugu baaqday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay fududeyso sidii si dhaqso ah loogu soo gaba gabeyn lahaa dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo weliba hirgelinta nidaamka federalism-ka.
Taageerada Puntland ay u miijisay maamulka koonfur-galbeed ee saddexda gobol ku saleysan islamarkaana madaxweynaha loogu doortay Maxamed Xaaji C/nuur, waxay kusoo aadeysaa xilli ay magaalada Baydhabo ku sugan yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda dhexe ka tirsan.
Ujeedada socdaalka Madaxweynaha iyo wufuudda kale ee dowladda dhexe ka socdaa ay Baydhabo ku tageen ayaa ah sidii loo soo afjari lahaa khilaafka taagan, islamarkaana loo sameyn lahaa hal maamul oo ay dhammaan dhinacyadu ku mideysan yihiin.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Puntland oo Taageertay mid ka mid ah Maamulladii Baydhabo lagu dhisay
More News
- Xisbiga TAYO oo Yeeshay kulankoodii ugu Horreeyay ee Sannadkan 2014-ka
- Isbitaal Casri ah oo Dowladda Turkiga ay ka Hir-gelisay Muqdisho (SAWIRRO)
- Wararkii ugu dambeeyay kulammadii ka dhacay degmada Baydhabo (SAWIRRO)
- Booliiska Galmudug iyo Puntland oo howlgallo ka wada Gaalkacyo (SAWIRRO)
- Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo sheegtay in Dr. Macow uusan buuxin shuruudihii caafimaad ee uu ku howlgeli lahaa
- Maxkamada Ciidamada oo dil ku xukunay ruux la sheegay inuu dil geystay
- Puntland oo sheegtay inay qabatay 20-qof oo Al-shabaab ka tirsan (SAWIRO)
- Xisbiga AKP oo guul ka gaaray doorashooyinkii dowladaha hoose ee Turkiga
- Guddoomiye xilka laga qaaday kaddib markii uu sheegay hadal muran keenay
- Madaxweyne Xasan Shiikh & Jawaari oo kulamo la leh ergooyin iyo siyaasiyiin
- Dhallinyaro Baratay Kalluumeysiga oo Tababbar loogu soo Xiray Kismaayo
- Kal-fadhi aan caadi ahayn oo u furmay Baarlammaanka Puntland (SAWIRRO)
- Markabkii ugu weynaa Maraakiibta Soomaaliya oo qarka u saaran inuu Quuso
- Qarax Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Magaalada Nairobi
- Kulan looga hadlay aayaha gobolka Hiiraan oo Muqdisho ka dhacay (Sawirro)
- Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Wax-garad