Xaflad loo sameeyey gunaanadka xalaqadii 9-aad ee tafsiirka Qur'aanka lagu baranayey oo soconaysey muddo labo sano ah ayaa xalay isla masjidka Al-raxma lagu qabtay, boqollaal dadweyne ah ayaana kasoo qayb galay.
Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Sh. C/laahi Maxamed oo ah imaamka masjidka, wuxuuna ka warbixiyey tafriiska laga mariyo masjidka Al-raxma iyo waqtigii uu soo bilowday, wuxuuna sheegay in akhrinta tafriiska uu masjidka ka bilaabay Sheekh C/xayi Muuse oo kamid ah culimaa'uddiinka ugu waaweyn gobolka Bari, taariikhdu markii ay ahayd 1993/11/17, sanad walbana uu sheekhu tafsiirka ka marinayey kitaab gaar ah oo kamida kuwa tafsiirka.
Sheekh Xuseen Macallin Yuusuf oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday fadliga Qur'aanka iyo sida ay qof kasta oo muslim ah waajib ugu tahay inuu Qur'aanka barto. Sheekhu wuxuu si aad ah dhallinyarada ugula dardaarmay inay Qur'aanka bartaan maadaama ay iyaga u fududahay marka loo barbar dhigo dadka waaweyn.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Garaad C/qaadir Xuseen Siciid oo isna kamid ah culimada ugu waaweyn gobolka ayaa goobta ka sheegay in dadka Soomaaliyeed qaar badan oo kamid ahi aysan Qur'aanka waxba ka aqoon, si taas loo yareeyo wuxuu sheegay in looga fadhiyo dadka Qur'aanka bartay inay dadka kale u faa'iideeyaan gaar ahaan dadka reer guuraaga ah iyo dadka waaweyn ee aan nasiibka u helin inay waxbarasho toos ah galaan.
Sheekh C/xayi Muuse oo isagu ah sheekha muddada 21-sano ah masjidka Al-raxma ka marinayey tafsiirka Qur'aanka ayaa ugu dambeyntii goobta ka hadlay, wuxuuna ku borriyey ardeydiisa inay nasiyaan maadaama uu isagu muddo dheer howshan kusoo jirey.
Masjidka Al-raxma oo kamid ah kuwa ugu qadiimsan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wuxuu kamid yahay masaajidda sida tooska ah looga mariyo tafsiirka Qur'aanka iyo kutubta kale ee diiniga ah, casharradaas oo ay arday badani ku taxan yihiin.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Puntland