Khamiis, March 20, 2014(HOL) :- Xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ayaa lagu amray in ay laba beri gudahood uga baxaan magaalada Kismaayo, iyadoo looga digay cidii ka dhago adaygta amarkan in laga qaadi doono Tallaabo.
Gaadiid lagu soo xiray qalabka cod baahiyaha oo maanta socod kusoo maray dhamaan wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalada Kismaayo ayaa lagu amray in xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo ay si deg deg ah uga baxaan.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max'ed Ibraahim uu sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan xaasaska Al-shabaab ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Xiriir aan la sameynay masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba ayay inoo suurogeli weysay in aan faahfaahin ka helno, haseyeeshee dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga oo ay sameynayeen ciidamada ammaanka maamulka Jubba.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Xaasaska Al-shabaab oo lagu Amray inay Kismaayo uga baxaan laba casho
More News
- Xafladda Daah-furka Ururka New Horizon oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)
- Madoobe Nuunow oo Magacaabay Wasiirradiisii ugu Horreeyay (SAWIRRO)
- Anaadiif oo Amaanay Ciidamada Jabuuti iyo Maydad laga dhoofiyay Muqdisho
- Ciidamada Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaqyo Millateri ka wada Gobollada Dhexe
- Dhaqan-gelinta Xeerka Saxaafadda Somaliland oo lagu Heshiis (SAWIRRO)
- Madaxweynaha Puntland oo magaalada Qardho soo gaaray(SAWIRRO)
- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo shil ku dhaawacmay (SAWIRRO)
- Kumannaan Afrikaan ah oo la badbaadiyay 48-kii saacadood ee lasoo dhaafay
- Dibadbax Rabshado wata oo Maanta ka dhacay Degmada Jowhar (SAWIRRO)
- Wafdi ka socda dowlada Somalia oo shirar ku leh Dhuusa-mareeb (SAWIRRO)
- Suxufiyad lagu kufsaday Muqdisho oo HOL uga warrantay dhibkii loo geystay
- Al-shabaab oo diiday in gaadiidka ganacsigu ay galaan Degmada Xudur