Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Dowladda Ukraine ayaa digniin
adag u dirtay dowladda Ruushka ka dib markii ciidamo raashiyaan ah ay ka
dageen magaalada Sevastopol oo ka tirsan
gobolka Crimea oo muhiimad gaar ah u leh
Moscow.
Kulan socday muddo seddex saacadood ah oo dhex-maray
madaxweynaha kumeel gaarka ah ee Ukarine Oleksander Turchinov iyo madaxda
amniga ee dalkaas ayaa lagu canbaareeyay fara-galinta dowladda Ruushka ay ku
hayso qaybo kamid ah dalkaas oo bilihii ugu danbeeyay la ciir-ciirayay dhaqaalo
darro.
"Ma lahan wax mar-marsiyo ah gar-darada Ruushka uu ku
hayo dalkeena," ayuu yiri Turchinov oo tilmaamay in dowladdiisa ay samayn
doonto wax walba oo looga hortagayo far-galin uu ku sheegay in ay tahay mid
qaawan.
Waxaa kaloo masuulkan
oo ay is-garab taagnaayeen ra'isul -wasaaraha Ukraine Arseny Yatseniuk uu sheegay
in ciidamada Rusia looga baahanyahay sidii ay dib ugu laaban lahaayeen dalkoodi,
isagoo xusay in la adkeeyay dhamaan amniga goobaha muhiimka ah.
Sidoo kale wada hadal
saacado koban socday ayaa qadka taleefanka waxa uu ku dhex maray
ra'isul-wasaaraha Ruushka iyo madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Ukraine ,mana
jiraan qodobo cad oo la shaaciyay in labada masuul isku waafaqeen aan ka ahayn in ruushka laga
dalbaday in ay dib ugu laabtaan gobolka Crimea.
"Waan ku
qanacsanahay in dowladda Rusia aysan fara-galin dheeraad ah samayn doonin
,waayo tani waxey sababi kartaa dagaal labada dal dhex mara iyo in xiriirka
labada wadan uu bur-buro "ayuu hadalkiisa ku daray Oleksander Turchinov .
Wakaaladda wararka ee
dalka Ruushka ayaa iyadana sheegtay in
maalinimadii shalay ahayd uu wada hadal qadka taleefanka ah oo qaatay 90 daqiiqo uu dhex-maray madaxweynaha Maraykanka Obama iyo
waliba kan ruushka ,kaasi oo aan natiijo fiican ku dhamaan.
Ugu danabyntii
barlamaanka dalka Ruushka ayaa waqtii sii horeeyay ansxiyay codsi uga yimid
madaxweyne Vladimir Putin,kaasi oo ahaa in ciidamo ruush ah loo diro gudaha
Ukraine gaar ahaan gacanka Crimea oo ah gobol leh is maamul madax banaan ,isla
markaana dadka ku nool ay u badanyhihin Raashiyaan.
Faysal Mohamed Hassan
[email protected]