Sabti, March 01, 2014 (HOL) :- Qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa maanta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Jubba.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Calanleey gaar ahaan garoonka weyn ee Isbartiibo Feekiyo, waxaana qaraxan lala beegsaday gaari nooca raaxada oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.
Goobjooge ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in uu arkayay burbur xooggan oo gaaray gaadiidkii qaraxa lala beegsaday, waxaana la sheegay in qaraxu sababay dhaawacyo soo gaaray sedex askari oo ka tirsan ciidamadii gaadiidka saarnaa.
Xiriir aanu la sameynay afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax ayaa waxa uu sheegay in qaraxa lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka, wuxuuna xusay in aysan jirin cid wax ku noqotay.
Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli kalfadhigii ugu danbeeeyay ee golaha wasiirada maamulka Jubba guddi gaar ah loogu xilsaaray arimaha ammaanka degmada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Qarax Miino oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubba
More News
- Xubno Al-shabaab ka tirsan oo Maanta lasoo Bandhigay (SAWIRRO)
- Murashaxiin u tartamaya Madaxweynenimo oo Baydhabo ka Hadlay
- Ciidan Itoobiyaan ah oo Saldhigyo ka Sameystay Dhuuso-mareeb (SAWIRRO)
- Cali Waran-cadde oo ka hadlay dilkii Taliyihii Degmada Xaaji Saalax
- Saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Asluuubta oo Beledweyne gaaray
- Xisbul Islaam oo dhaleeceeyay Al-shabaab Baaqna u diray Dowladda
- Ahlusunna oo si adag u eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Wafdi Wasiiro ah oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee G/Bay
- Tahriibayaal ay Soomaali ku jiraan oo laga bad-baadiyay dhimasho
- Gargaar loogu talogalay dad ku dhibaateysan Jannaale oo la boobay
- Ciidan Itoobiyaan ah oo gaaray Guriceel, billaabayna dhaqdhaqaaq