Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo si weyn loogu soo Dhaweeyay Laascaanood
Jimco, June 06, 2014 (HOL) — Kumanaan qof oo ka mid ah shacabka ku nool magaalada Laascaanood ee gobolka Sool iyo maamulka ayaa kusoo dhaweeyay, Sheekh Maxamed Cabdi Umal dooxada Casuura oo in ka badan 40-km waqooyi ka xigta xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.
Soo dhaweynta Sheekha Umal oo ammaankeeda aad loo adkeeyay ayaa waxaa halkaa kula hadlay dadweynihii qaar ka mid ah waxgaradka iyo culummada oo uu ugu horreeyo Sheekh C/naasir Xaaji Axmed (Farey) oo soo dhaweyn kaddib ugu baaqay dadka degmada Laascaanood inay Sheekha ka faa’iideystaan.
Guddoomiyaha gobolka, Maxamed Faarax Aadan oo ku hadlayay afka maamulka ayaa Sheekha kusoo dhaweeyay gobolka Sool, wuxuuna sheegay inuu maanta joogo Laaskii Ammaanka.
Sidoo kale, Garaad C/llaahi Maxamed Guuleed iyo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa iyaguna dhankooda ka hadlay soo dhaweynta Sheekh Umal waxayna xuseen inuu maanta joogo meel ula mid ah dhulkii uu ku dhashay.
Intaa kaddib, Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa ayaa mahadcelin kaddib wuxuu sheegay in safarkiisa ay gundhig u tahay wacyigelin iyo baraarujin, isagoo xusay in uu maalmaha soo socda dadweynaha Laascaanood la qaybsan doono barnaamijyo diineed.
Dooxada Casuura oo ah meel aad u qurux badan ayaa sahashay in dadku ay illaa saaka ku sugnaadaan; iyadoo fardo badanna ay halkaas ku sugnaayeen oo loo darbay soo dhaweynta Sheekha.
Ciidamada booliiska iyo guddi ay culummadu u xil-saartay amniga ayaa idhaha ku hayay wixii dhaqdhaqaaq ah ee ay ka shakiyaan, waxaa sidoo kale la hubinayay gaadiidka soo dhaweynta oo maalinnimadii shalay lambarro lasii siiay si looga taxadaro gadiid kusoo dhex dhuunta.
Soo dhaweynta Sheekha oo soconaysay maalmihii lasoo dhaafay ayaa ahayd tii ugu xoogga badaneyd ee inta la xusuusan yahay qof lagu soo dhaweeyo magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool.
Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool