Dibadbax lagu Taageerayay Nabadda oo Maanta ka dhacay Degmada Afgooye
Khamiis, June 05, 2014 (HOL) — Degmada Afgooye oo ka mid ah degmooyinka gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa maanta ka dhacay bannaanbax nabadda lagu taageerayay nabadda, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta maamulka Afgooye iyo boqolaal qof oo isugu jira haween iyo dhallinyaro.
Banaanbaxan oo ay soo qabanqaabisay hay’adda CCD ayaa dadweynihii ka qayb-galay waxsay socod ku soo mareen waddooyinka Afgooye iyagoo sitay boorar ay ku qornaayeen halku-dhigyo ay ku taageerayaan go'aankii madaxda dowladda Soomaaliya ay ku gaareen in dalka laga cirib-tiro Al-Shabaab.
Fagaare ku yaalla bartamaha degmada Afgooye oo dibadbaxayaashu ay isugu soo urureen ayaa waxaa kula hadlay madax ka tirsan maamullada gobolkaas iyo kan degmada Afgooye.
Guddoomiyaha degmada Afgooye, Xaaji Gaabow Cusmaan oo ugu horreyn hadal ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in nabadda ka jirta degmadaasi ay timid iskaashiga u dhaxeeya maamulka degmada iyo shacabka.
"Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya waxaan ka codsanayaa inay darajada ugu sarreysa siiyaan saraakiisha ciidamada booliska oo ku guuleystay nabadda ka dhacday degmadaas," ayuu yiri guddoomiye Xaaji Gaabow.
Sidoo kale, dibadbaxa saakay ka dhacay degmada Afgooye ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Col. Cusmaan C/llaahi Maxamed oo ah taliyaha howlgelinta booiliska gobolka Shabeelladaa Hoose, wuxuuna uga mahad-celiyay shacabka Afgooye in ay si wanaagsan ula shaqeeyeen ciidamada amniga.
"Haddii aanay shacabku nala shaqeyn lahayn booliisku ma ogaan karo kuwa dembiyada geysanaya," ayuu yiri Col. Cusmaan oo intaas ku daray in booliiska ay soo qabteen nin gacan ku dhiigle ahaa oo toddobaad ka hor dilay nin dukaan lahaa, kaasoo uu sheegay in laga soo qabtay deegaanka Jasiira.
Taliyaha ayaa ku boorriyay shacabka Afgooye inay cabsida iska daayaan, isla markaana ay ciidamada kusoo wargeliyaan haddii ay arkaan kuwa nabad-diidka ah ee ku dhuumaaleysanaya gudaha degmadaas.
Dhinaca kale, Taliyaha degmada degmada Afgooye Dhamme Amiin Maxamed Cusmaan oo ayaa isna ka warbixiyay waxqabadka booliiska degmadaas, isagoo sheegay in nabadda ka jirta ay haatan tahay mid wanaagsan, isagoona sheegay in gawaarida qudaarta ay ku Muqdisho ku tagaan wax ka yar hal saac, halkii ay markii hore dhowr saacadood ku qaadan jirtay ayna uga bixi jirtay dhaqaale fara badan oo isbaarooyinka looga qaadan jiray.
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobolkaas, Cumar Maxamuud Cilmi (Cumar Carabey) ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Afgooye inay maanta si weyn shucuurtooda ugu muujiyeen sida ay uga horjeedaan Al-shabaab oo uu sheegay in xilligoodu dhammaaday.
Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha haweenka hay'adda CCD, Sahra Maxamuud Amiin ayaa ku boorrisay shacabkii halkaasi isugu soo baxay inay muujiyaan isku xirnaan isla markaana ay u midoobaan cid kasta oo cadow ku ah nabadda.
Waxaa sidoo kale ka hadlay dibadbaxa guddoomiyaha dhallinyarada Afgooye, C/qaadir Cali Iidle, guddoomiyaha haweenka degmada Afgooye, Duniya Xasan Cali iyo guddoomiye ku-xigeenka degmada Afgooye, Ismaaciil Carab.
Dhammaan xubnahaas ayaa hoosta ka xariiqay inay u midoobayaan fulinta baaqii madaxda dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-shabaab iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan gobolka Shabeellada Hoose.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya