12/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 30, 2014
Deeq raashin & xoolo ah oo maanta la gaarsiiyey xabsiga dhexe ee Muqdisho


Isniin, June 30, 2014 (HOL) — Hay’adda Hormuud Telecom Foundation oo maamahaan waday qaybinta kaalmooyin isugu jira taakuleyn iyo afurin ayaa maanta raashiin kala nooc ah iyo xoolo nool gaarsiisay maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Munaasabadda wareejinta deeqdaas oo ka dhacday xarunta xabsiga dhexe ayaa waxaa goo-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiir ku-xigeenka garsoorka iyo dastuurka, C/llaahi Bile Nuur, taliyaha ciidanka asluubta, Jen. Xuseen Xasan, taliyaha xabsiga dhexe, Col. Maxamed Shiikh iyo xubno kale.

Guddoomiyaha hay’adda Hormuud Foundation C/llaahi Cismaan Nuur ayaa sheegay in deeqdan ay ugu talo-galeen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe, isagoo intaa ku daray  inay qayb tahay deeqaha ay hay’addu ugu talo-gashay bishan Ramadaan ee ay maalmahan ka wadeen Muqdisho.

“Deeqda maanta aan soo gaarsiinay xabsiga dhexe waxay isugu jirtaa raashinka noocyadiisa kala duwan, dhar iyo xoolo nool, haddii aan sii kala cayimo bariis waa 300 oo loor, sokor 100 loor, Bur 100 Loor, saliidda cuntada shan fuusto, timir 125 kartoon, shan jawaan oo caleenta shaaha ah, 10 kartoon oo cabitaan ah, dharka ciidda 1,315 joog oo isugu jira 1,300 rag ah iyo 15 dumar ah iyo xoolo nool oo ka kooban shan neef oo geela nooca birimada loo yaqaan ah”, ayuu yiri C/llaahi Nuur.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inay ka rajeynayaan maamulka xabsiga dhexe inuu gargaarkan ay siinayaan maxaabiista inta lagu guda jiro Ramadaan, isagoo xusay in deeq noocan oo kale ah ay sannadihiii lasoo dhaafay ay xabsiga dhexe soo gaarsiiyeen, wuxuuna ballan-qaaday in hay’addu ay sii wadi doonto kaalmada ay gaarsiinayaan qaybaha bulshada kuwooda taagta daran.

Wasiir ku-xigeenka garsoorka iyo dastuurka, C/llaahi Bile Nuur iyo taliyaha ciidanka asluubta, Jen. Xuseen Xasan oo munasaabada ka hadlay ayaa uga mahad-celiyey hay’adda Hormuud Foundation deeqda ay soo gaarsiiyeen maxaabiista xabsiga dhexe, iyagoo sheegay in deeqdan aysan ahayn tii ugu horreysay ee xabsiga ay soo gaarsiiyaan.

“Deeqdan faraha badan ee ay hay’adda Hormuud soo gaarsiisay maxaabiista waa mid lagu faani karo, horay waxaan u maqli jirnay hay’addo ajnabi oo soo gurman jiray, waa wax lagu farxo in hay’ado samafal ay dalka gudihiisa ka sameysmaan sida hay’adda Hormuud Telecom Foundation oo kale, mahad-celin iyo ammaan ayaana u jeedinaynaa anigoo ku hadlaya magaca wasaarada cadaaladda iyo dastuurka,” sidaa waxaa yiri wasiir ku-xigeenka garsoorka iyo dastuurka C/llaahi Bile Nuur.

Hormuud Telecom Foundation ayaa maalmahan waday howlo taakuleyn iyo afurin isugu jira oo ay gaarsiinayeen qaybaha bulshada kuwooda jilicsan, shalay ayayna ahayd markii ay hay’addu kaalmooyin lacageed u qaybisay bukaannada qaar ka mid isbitaalada Muqdisho, waxaana kasii horreeyay boqollaal curyaamiin ah oo iyana loo qeybiyay lacago ay kaalmeystaan bisha Ramadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya