Xaflad Qalin-jabin ah oo Arday Soomaaliyeed loogu Qabtay OHIO (SAWIRRO)
Axad, June 29, 2014 (HOL) — Xaflad qalin-jabin ah oo sannad walba loo qabto ardayda ka baxda dugsiyada sare ee magaalada Columbus ayaa sannadkii shanaad mar kale maanta lagu qabtay hoolka shirarka ee Hotel Hilton.
Waxaa xafladda ka qayb-galay aqoon-yahanno, waaliddiin, arday, mas’uuliyiin xafiisyada dowladda iyo marti sharaf kale. Intii ay xafladdu socotay waxaa laga hadlay ahmiyada waxbarashada iyo sida ay uga qayb-qaadato dhismaha nolosha aadanaha iyo fahamka hannaanka dunidu u shaqeyso.
Prof. Jibriil Maxamed oo xafladda furay ayaa ka sheekeeyay sidii barnaamijkan deeqaha waxbarashada ee sannad walba loo qabto ardada Soomaaliyeed ee ka qalinj-abiya dugsiyada sare ee Ohio uu ku billowday. Jibriil ayaa sheegay inay ujeeddadu tahay in ardayda Soomaaliyeed lagu dhiirri-geliyo waxbarashada iyo in ay dareemaan in bulshada Soomaaliyeed ay ku farxayso horumarkooda dhanka waxbarashada.
Wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya, Dr. Cabdinuur Sheekh Maxamed oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay inay muhiim tahay in bulshadu ay si weyn uga qayb-qaadato waxbarashada isagoo tusaale u soo qaatay barnaamijkii Kediska ee lagu tartansiin jiray iskuullada Soomaaliya.
Dr. John Stanford oo ah madaxa dugsiyada magaalada Columbus, OHIO ayaa u hambal-yeeyay ardayda qalinjabisay iyo waalidiintood, isagoo tilmaamay in maamulkiisu la dhacsan yahay sida Soomaalidu waxbarashada ay ugu dadaalaan.
Qaar ka mid ah ardaydii dhammeysay dugsiga sare ayaa helay deeqo waxbarasho oo loogu magac daray (Somali Pride Scholarships) ayaa la guddoonsiiyay 10 arday oo ka koobnaa shan wiil iyo shan gabdhood.
Dhanka kale, shabakadda Hiiraan Online (HOL) ayaa deeq waxbarasho guddoonsiisay ardayda lagu soo xulay karti iyo firfircooni.
Hay'adda SOMALICAN oo ah Hay'adda soo abaabushay xafladda ayaa mas’uuliyiin u hadlay waxay sheegeen inay ku faraxsan yihiin horumarka ay gaarayaan ardayda Soomaaliyeed oo sannad walba tiradoodu sii kordhayso, iyagoo waalidka ardayda ku bogaadiyay door muuqda ee ay ka ciyaareen sidii ay ardaydu ay heerkaan kusoo gaari lahaayeen.
Mas’uuliyiin ka socday xaafiiska dowladda Hoose ee Columbus iyo gobolka ayaa ku ammaanay hay'adda SOMALICAN iyo shaqsiyaadka taageeray barnaamijkan iyadoo abaalmarino lacageed la guddoonsiiyay ardaydii dhameeyay dugsiga sare qaarkood.
Sannad walba waxaa dugsiyada sare, jaamacadaha iyo kulliyadaha gobolka OHIO ka baxa boqolaal Somali ah, taasoo muujinaysa sida dhallinyarada Soomaaliyeed uga qayb-qaadanayaan tartanka dhanka waxbarashada ee ka jira dalka Maraykanka, waxaana hay'adda SOMALICAN ay ka mid tahay hay'adaha dhiirri-geliya ardayda Soomaaliyeed iyo waaliddiintooda si loo helo bulsho isku tiirsan oo ka muuqata jaaliyadaha kale.
Guud ahaan, xafladda oo ay jaaliyadda Somalida Ohio kala soo qaybgaleen madax kala duwan, aqoonyahanno iyo dad u ololeeyaya arrimaha Soomaaliya ayaa ahayd mid loo agaasimay si habsami leh iyadoo ay dhammaan kasoo qayb-galayaashu u riyaaqeen wanaagga ay magaalada Columbus ka taabbo-gelisay hay'adda Somali-CAN.
Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]
Columbus, Ohio