Waddo loo dhisayo Degmada Kaxda iyo Shacabka oo laga Codsaday Kaalmo
Arbaco, June 25, 2014 (HOL) — Degmada Kaxda oo ka mid ah degmooyinka 17-ka ah ee uu ka kooban yahay gobolka Banaadir ayaa waxaa la billaabay jid loo sameynayo, taasoo isku xiri doona Muqdisho iyo degmadaas oo koonfurta gobolka Banaadir ku taalla.
Guddiga dhismaha waddadan ayaa billaabay hagaajinta jidka, iyagoo dadka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystaan dhismaha waddadaas oo aad muhiim ugu ah isku xirta degmadan iyo degmooyinka kale ee gobolka Banaadir.
“Waddadan waxaa loogu magac-daray Jen. Maxamed Ibraahim Liiq-Liiqato, waa mid isku xiri doonta degmooyinka kale ee Muqdisho iyo degmada Kaxda, iyadoo laga billaabay dhimaheeda deegaanka Xoosh ee Dhakeynley,” ayuu yiri C/qaadir Xuseen Buulle oo ka mid ah guddiga dhismaha waddadan.
Sidoo kale, Buulle ayaa sheegay in jidkan uu mari doono deegaanka KM-13 ee duleedka Muqdisho uuna tegi doono deegaanka Kaxda, isagoo xusay inay tani qayb weyn ka qaadanayso dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Halka jidkan laga bixinayo ayaa lagu arkayay baallayaal waaweyn oo jabinaya geedo ku yaalla halka la doonayo in jidka uu maro, waxaana degmadan oo ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyay ee dhismay aysan lahayn waddo rasmi ah oo loo maro.
C/qaadir Xuseen Buulle ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay gacan ka geystaan dhismaha waddan, iyadoo ciddii doonaysa inay gacan ka geysato jidka dhismihiisa ay kala xiriiri madaxa mashruucan dhismaha waddada Kaxda: Tel: +252615524780 / 699439220 ama E-mail: [email protected].
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya