Hiiraan Online
1/2/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 18, 2014
Sheekh Umal oo xalay bulshada magaalada Boosaaso la hadlay (SAWIRRO)
Arbaco, June 18, 2014 (HOL) —Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maalmihii u dambeeyey booqasho ku marayey deegaanada Puntland, ayaa shalay soo gaarey magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, hakaas oo si diirran loogu soo dhoweeyey.
Sheekhu wuxuu xalay masjidka Al-rowda ka bilaabay muxaadarooyin dhowr beri socon doona oo uu kaga hadlayo xaaladda guud ee dalka iyo siyaabaha looga bixi karo dhibaatooyinka ka jira gaar ahaan khilaafka salka ku haya afkaarta diiniga ah.
Muxaadarada kowaad ee xalay uu Sheekhu soo jeediyey, waxaa cinwaankeedu ahaa: Mowqifka Qofka Muslimka ah Laga Doonayo Inuu Ka Istaago Fitanta (khilaafka uu dhiiggu ku daato ee muslimiinta ka dhex dhaca).
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Sheekh Umal wuxuu sharraxaad dheer ka bixiyey waxa ay tahay fitnadu, siyaabaha ay ku timaado iyo inta nooc ee ay u qaybsanto, isagoo docda kale xusay dhowr qodob oo ay tahay in la raaco si jiritaanka fitnada looga hortago.
Qodobadaas waxaa kamid ahaa:
In lagu dadaalo barashada diinta.
In aan la degdegin maadaama xilli adag lagu jiro.
In aan lagu kedsoomin falsafadaha khaldan.
In la ixtiraamo culumada iyo waxgaradka.
Ugu dambeyntii wuxuu sheekhu si kooban uga jawaabay qaar kamid ah su'aalihii ay dadku soo weydiiyeen, su'aalahaas oo badankoodu la xiriirey fikirka Ururka Al-shabaab iyo xukunka qofkii ururkaas xubin ka noqda.
Sheekh Umal oo fadhigiisu uu dalka Kenya yahay, waa markii ugu horreysey ee deegaanada Puntland uu soo gaaro. Sheekhu wuxuu soo maray degmooyin badan oo ay kamid yihiin: Laas-caanood, Garoowe, Qardho, Waaciye, Carmo iyo Boosaaso oo hadda uu ku sugan yahay.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir
[email protected]
Puntland, Soomaaliya