Wasiirka Xanaannada Xoolaha Dowladda Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo
Isniin, June 16, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo waxaa maanta soo gaaray wasiirka Xanaanada Xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda faderaalka Soomaaliya, waxaana safarkiisa ku wehlinayay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Waftigan waxaa garoonka diyaaradaha C/llaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Mudug, ku-xigeenkiisa iyo sidoo kale wasiir ku-xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland.
Soo dhaweynta kaddib waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadlay wasiirka xaanaanada xoolaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Mudug iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda xaanaanada Puntland.
Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac(Tigey) oo hadalka ku hormaray waxaa uu sheegay inay soo dhaweynayan wasiirka iyo xildhibaanka, waxuuna inta ku daray in booqashada wasiirku uu ku yimid Puntland ay tahay mid muhiim ah.
“Wasiir ku soo dhawoow Puntland, dalku waa dalkaagii dadkuna waa dadkaagii, muhiim booqashada aad ku timid Puntland, soona dhawow,” ayuu guddoomiyaha gobolk Mudug yiri.
Sidoo kale, wasiir-ku-xigeenka Xanaanada Xoolaha Puntland, Cabdi Samad Seed Cilmi ayaa isna dhankiisa si kooban wasiirka ugu warbixiyay xaaladda Puntland gaar ahaana xoolaha iyo deegaanka, wuxuuna sheegay inay wasaaraddu ku dadaalayso sidii dhulka nabad-guurka looga ilaalin lahaa, isagoo inta raaciyey inay wasaaraddu daryeesho xoolaha ku nool deegaannada Puntland.
Ugu danbeyn, wasiirka xaannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda faderaalka Soomaaliya, Saalim Caliyow Ibrow ayaa isna si kooban ugu hadlay booqashada uu ku yimid Puntland, wuxuuna sheegay inay la xiriirto sidii Puntland looga hirgelin lahaa mashruuc la xiriira deegaanka iyo daryeelka xoolaha Puntland.
“Safarkeenna Puntland wuxuu la xiriira howlaha wasaaradda, waxaana sahmineyna daryeelka xoolaha iyo xaaladdoda annago xaqiiqsanayna sida uu deegaanka yahay, hadhow wixii soo baxa si aan wax ugu qabano,” ayuu yiri Saalim Caliyow.
Ibrow ayaa ayaa shaaciyey inuu magaalada Garoowe ka daah-furi doono mashruuc ku saabsan horumarinta xoolaha iyo caafimaadkooda. Iyadoo ugu dambeyn wafdiga loo gudbiyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland halkaasoo ay kula soo kulmi doonaa madaxda Puntland.
Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya