10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 14, 2014
Al-shabaab oo 100 haween ah ku xirtay degmada Bu'aale ee gobolka J/dhexe


Sabti, June 14, 2014 (HOL) — Xoogagga Al-shabaab ayaa ku qasabtay 100 haween ah in ay xirtaan xijaabka indho-shareerka kaddib markii ay ku qabteen degmada Bu'aale iyagoo aan xirnayn xijaab iyo indho-shareer, sida ay qortay BBC-da.

Haweenkan ayaa lagu xiray degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada dhexe oo 300-km kaga began dhinaca koofur-galbeed magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa ka talisa qaybo badan oo ka mid ah Somalia, waxaana gobolka Jubbada Hoose uu yahay gobolka keliya ee ay Al-shabaab si buuxda u haysato, kaasoo dhawaan ay dhowr jeer duqeeyeen diyaarado ay leedahay Kenya.

Dumarkan ayaa la sheegay in laga qabqabtay suuqa, iyadoo xabsiga la dhigay ka hor intii aan lasii dayn, iyadoo saraakiisha Al-shabaab ay sheegeen in tani ay tahay dambi weyn, iyagoo sheegay in haweeneydii dambe ee lagu qabto arrintan oo kale la ciqaabi doono.

Haweenkan ayaa sheegay in sababta ay xijaabka isaga dhigeen ay tahay iyadoo ay milicdu aad u kulushahay ayna gaartay 35-digrii, iyagoo sheegay inay door-bideen inay xijaabka iska dhigaan kuleylka awgiis.

Waxaa intaas lagu daray in haweenkan lagu armay inay xirtaan xijaabka oo ah dharka ay haweenka muslimiinta ah xirtaan, ayan qaataan indho-shareerka oo la sheegay inuu jirka oo dhan u daboolayo.

Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo cidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM, kuwaasoo horay u sheegay inay ka go’an tahay inay dagaalka wadaan inta ay Soomaaliya oo dhan kaga soo rogayaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya