4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Qaramada Midoobay oo Taageertay Heshiiskii Maanta lagu saxiixay Muqdisho


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay heshiis maanta lagu saxiixay Muqdisho, kaasoo maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Somalia.

Danjire Kay oo ka mid ahaa xubnihii matalyaya ururrada caalamiga ah ee saxiixay heshiiska ayaa ku tilmaamay midkii ugu horreeyay noociisa oo maamul wadajir ah loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

“Tani waa tallaabadii ugu horreysay oo maamul mideysan loogu sameynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxayna qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya ay ka hirgalaan inta aan la gaarin sannadka 2016-ka,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, danjiraha oo sii hadlaya ayaa yiri. "Dhisidda maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo bartamaha Soomaaliya ma noqon doonto culays la'aan, laakiin waxaa lagu gaari karaa iyadoo qaab wadatashi ah oo ay ka qaybgalaan dhammaan dhinacyada ay arrintan quseyso.”

"Waxaan ku boorrinayaa dhinacyada inay dumarka ka siiyaan kaalintood geeddi-socodka lagu yagleelayo maamulkan. Waxaa kaloo muhiim in loo dhiso maamulkan hab ilaaliya danaha dhinacyada iyo maamullada hadda jira, " ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjire Nicholas Kay ayaa ugu dambeyn yiri. “Sida aan marqaatiga heshiiska maanta la saxiixay, Qaramada Midoobay ahaan waxaa naga go'an inaan taageerno dadaallada ay ku doonayso Soomaaliya nabad-dhisid."

Heshiiska maanta lagu saxiixay Muqdisho ayaa waxaa ka maqnaa maamulka Ximan iyo Xeeb oo mas’uulka ugu sarreeya uu sheegay inaysan heshiiskaas wax lug ah ku lahayn, taasoo noqonaysa caqabaddii ugu horreysay oo heshiiskan soo food-saarta.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya