4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Cudurka Halista ah ee Ebola oo ku faafaya Dalalka ku yaalla Galbeedka Afrika


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Cudurka halista ah ee Ebola ayaa ku sii faafaya dalal ku yaalla galbeedka Afrika, iyadoo cudurkan uu dad badan ku dilay dalalka Sierra Leone iyo Liberia.

Hay’adda WHO ayaa sheegtay in cudurka Ebola uu ku dilay dalalka Liberiya, Sierra Leon iyo Gini dad gaaraya cel-celis ahaan 672-qof, iyadoo dalka Gini oo keliya uu cudurkan haleelay 427-qof, halka dalka Liberiya uu heleelay dad gaaraya 249-qof iyadoo dalka Sierra Leone uu cudurkan haleeyay 525-qof.

WHO ayaa intaas ku dartay in dalka Gini uu ku dilay cudurkan 391-qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur, sidoo kale dalka Liberiya ayuu ku dilay 129-qof, halka dalka Sierra Leone uu ku dilay 244-qof.

In ka badan 10,000 oo qof ayaa isugu soo baxay xarunta dalka Liberia ee Monrovia, kuwaasoo diiddan in dalkooda laga furo xarun lagu karantiilo ama la seexiyo dadka qaba cudurkan, balse wasaaradda  caafimaadka Liberiya ayaa sheegtay in xaruntu ay muhiim u noqonayso in lagula dagaalamo cudurka soo sii daafaya.

Mid ka mid ah shaqaalaha hay’adda MSF oo howlo lagula tacaalayo cudurkan kawadda dalka Ginin ayaa sheegay in dadka uu cudurkan ku dhaco ay si aad ah u dhimanayaan, isagoo sheegay in dadka dhimanaya ay u badan ilmo aad u da’ yar.

Dr. C/raxmaan Batchili oo ah wakiilka wasaaradda caafimaadka magaalada Gueckadou iyo deegaannada ku dhow-dhow ee dalka Gini ayaa sheegay in ay hoos u dhaceen dadka uu cudurkan ku dhacayo, isagoo rajo ka muujiyay in labada bilood ee soo socda ay faafidda cudurkan hakanayso.

“Shacabka waxaan u sheegnaa in cudurkan uu yahay mid halis ah, waxaana rajeynaynaa in howlaha caafimaad ee socda ay soo afjari karaan cudurkan bisha ama labada bilood ee soo socda,” ayuu yiri Dr. Batchili.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri. “Cudurkan wuxuu gaaray dalalka aan dariska nahay sida Sierra Leone, waxaana ugu baaqayaa dadka xuduudaha labada dal ku nool inay taxaddar badan sameeyaan.”

Cudurkan halista ah ayaa markii ugu horreysay lagu arkay dalalka galbeedka Afrika ku yaalla sannadkii 1976-kii, iyadoo la sheegay inay bani’aadamka u sooo gudbiyeen qaar ka mid ah xawaannada duurka ku nool sida Fiid-meerta ama Kibiliga.

Xanuunkan oo ka dhasha Virus ayaa baqdin weyn laga qabaa inuu dalal kale oo Afrika iyo caalamka ah uu ku baaho, taasoo sababtay in shirkadaha duulimaadyada qaarkood ay joojiyeen inay tagaan dalalka Sierra Leone iyo Liberiya oo uu fara ba’an ku hayo cudurkan.

Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa sheegay in cudurkan si fudud lagu kala qaadi karo, iyadoo xusay in qofka bukaanka ah uu qaadisiin karo qof fiyow muddo 10-daqiiqo gudahood ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya