4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Dad ku dhibtay Qarax weyn oo ka dhacay Magaalo ku Taalla Waddanka Masar

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Seddex ruux ayaa la aaminsan yahay in ay ku dhintay qarax baabuur oo ka dhacay halka lagu magacaabo Giza oo ku taalla nawaaxiga magaalada Qaahir ee caasimadda Masar sida laga soo xigtay idaacadda dowladda.

Laamaha amniga ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay gaariga ku wateen walxahan qarxay, waxaana la baaraya sababta ka danbeysa, iyadoo tiro ciidamo ah la keenay halka uu ka dhacay qaraxan oo ahaa mid xoogan.

Wakaalada wararka ee MENA ayaa sheegtay in qaraxan uu dhacay galinkii hore ee maanta, isagoo ka dhacay magaalada lagu magacaabo el-Saf oo ka tirsan degmada Giza oo  kamid ah meelaha ugu dadka badan Egypt.

“Seddexdan qof waxay ku socdeen in ay fuliyaan weerarr argagaxiso sidaa darteed, iyaga ayuu markii danbe la qarxay,“ ayuu yiri Mahmoud Shawki oo kamid ah ciidamada amniga Qaahira oo la hadlay Al-ahram oo ay dowalddu leedahay.

Waxaa kaloo uu xusay in boolisku ay ka war-hayeen arintan, isla markaana daba-gal dheer lagu hayay raggan iyo sidii la aqoonsan lahaa, balse aysan suurta-galin in ay gacanta ku dhigaan qaraxa kaddib, kaasoo aan waxyeelo kale gaarsiin dadkii goobta ka ag dhawaa.

Tan iyo marki xilka laga tuuray madaxweynaha hore ee waddanka Masar Maxamed Mursi waxaa guud ahaan dalkaas hareerayay mudahaaraadyo wata rabshado ay dad badni ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood iska soo horjeeda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]