4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Wafdi ka Socda AMISOM oo Maanta Gaaray Magaalada Kismaayo (SAWIRRO)


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday ciidamada Midowga Afrika ee Somalia isla markaana ay horkaceeysay kuxigeenta ahna sii hayaha xilka madaxa midowga Afrika u qaabilsan howlgalka Somalia Lydia Wanyote ayaa maanta yimid magaalada Kismaayo.

Wafdigan ayaa xarunta madaxtooyada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay madax ka tirsan maamulka Jubba oo ay kamid ahaayeen madaxweeynaha iyo kuxigeenkiisa.

Intaa kaddib ayaa wafdigii ka socday AMISOM iyo madaxda maamulka Jubba waxa ay hoolka shirarka xarunta madaxtooyada ku qaateen kulan ay dibad joog ka haayd saxaafadda, waxaana markii uu kulankaasi soo dhamaaday waxyaalihii looga wada hadlay saxaafadda uga warbixiyay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag.

Masuulkan ayaa sheegay in wafdigii ka socday AMISOM ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin ciidamo ka socda Booliska AMISOM oo uu sheegay in dhawaan la keeni doono magaalada Kismaayo, isagoo intaa ku daray in ay ballanqaadeen in ay tababari doonaan booliska maamulka Jubba.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa xusay in AMISOM ay sidoo kale ballan qaaday in ay ka qeybqaadan doonto arimaha bulshada sida, caafimaadka iyo dib u dhiska goobaha muhiimka ah ee adeegga bulshada.

Sidoo kale Kuxigeenka madaxa midowga Afrika u qaabilsan howlgallada Soomaaliya Lydia Wantoye oo iyana saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in ay guulo kusoo dhamaadeen wadahadalladii ay la qaateen madaxda maamulka Jubba, iyadoo sheegtay in ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin sidii la isaga kaashan lahaa nabadgelyada iyo barnaamijta horumarinta.

Dhinaca kale, dagaallo u dhexeeya xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada maamulka Jubba ayaa maanta ka dhacay deegaanada galbeed ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo dagaalladani ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Aadan Goojaar oo ah sarkaalka hogaaminayo ciidamada maamulka Jubba ee howlgalka ka wada deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay deegaanka Cabdi Dhoore oo qiyaastii 48 KM dhanka koonfur galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya