4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Maamulka gobalka Bay & kan degmada Baydhabo oo xilalkii laga xayuubiyay


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Maamulka gobalka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaa maanta waxaa xilalka ka qaaday golaha guurtida gobolka Bay, iyadoo lagu eedeeyay xil-gudasho la’aan iyo ku tagri falidda hantida.

Golaha guuratida maamulka Koonfur-galbeed ayaa maalmahan shirar ku lahaa Baydhabo, iyagoo ugu dambeyn maanta ku dhawaaqay inay xilalka ka xayuubiyeen guddoomiyihii gobolka Bay, Cabdi Aadan Hoosoow iyo guddoomiyaha degmada Baydhabo, Xasan Macallin (Biikole).

Waxgaradka ayaa waxay xilka guddoomiyaha gobolka Bay iyo kan degmada si KMG ah ugu dhiibeen taliyaha qaybta booliiska gobalka Bay, Col. Mahad C/raxmaan, waxaana hadalka sheegay guddoomiyaha golaha guurtada ee maamulka Koonfur-galbeed, Xasan Shure Maxamuud.

Sidoo kale, goobtaas ka hadlay malaaqa weyn ee gobalka Bay, Xasanoow Cumuroow oo sheegey in maamulka gobal iyo degmo inuu dhammaaday xilligoodii toddoba bilood ka hor, ayna ku dhaqaaqeen falal dhac dadweyne iyo hanti lunsasho ah, sidaas daraadeedna ay xilalka uga xayuubiyeen.

“Lacago fara badan ayay dhaceen, haba yaraatee wax muuqda ay bulshada u qabteen ma jirto, waana taas tan keentay in xilalka aan ka xayuubinno maanta,” ayuu yiri Malaaq Xasanow Cumaroow .

Goobta waxaa kaloo ku sugnaa dhammaan nabadoonnada Gobalka Bay iyo Warbaahinta gobalka ka howlgaasha.

Malaaq Xasan Shure Maxamuud ayaa sheegey in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusoo magacaabi doonaan maamulka cusub ee gobal Bay iyo sidoo kale kan degmada Baydhabo.

Mar warbaahintu ay weydiisey Malaaq Xasan Shurre inay awood u leeyahiin inay xilalka ka qaadaan mas’uuliyiinta gobolka iyo kan degmada oo ay horay u soo magacowday dowladda Soomaaliay ayaa ku jawaabay.

“Guddoomiyaha gobolka iyo kan degmada markii xilalka looga magacaabay innaga ayaan u gudbinnay dowladda, haddana annaga ayaa ka qaadnay, waayo haddaan markii horeba magacownay, haddana waan ka qaadi karnaa.”

Dhanka kale, mas’uuliyiintii la sheegay in xilalka laga qaaday ayaa waxay sheegeen inaysan waxba kala socon xil ka qaadista lagu sameeyay, balse ay ka maqleen warbaahinta.

Cabdi Aadan Hoosoow oo ahaa guddoomiyaha gobolka Bay oo la sheegay in xilka laga qaaday oo qorsheynayay inuu u dhoofo Muqdisho si uu wada-tashi ula soo yeesho xubno ka tirsan dowladda ay ka tagtay diyaaraddii uu raaci lahaa uuna dib ugu laabtay Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo