4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Magaalada Laascaanood oo lagu soo dhaweeyey ciidamo ka goostay Puntland

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Ciidanka Militariga Somaliland ayaa shalay magaaladda Laascaanood ku soo dhoweeyey ciidan la sheegay inay ka soo goosteen Puntland.

Taliyaha qaybta 7aad Gaashaanle dhexe Mahad Baashe Cilmi iyo Taliyaha qaybta 12 aad ee gobolka Sool Gaashaanle dhexe Axmed Hure ayaa ciidankan ku soo dhoweeyey magaalada, isla markaana sheegay inay ka mid yihiin ciidamadda Somaliland.

“Waxaan leeyahay Raggani Afar Boqol askari ayay ahaayeen, 150 Way iska kala halowday, 70 kale meel kale ayaa looga yeedhay oo dibin daabyo kale ayay lugta la galeen. Mar haddii aan maanta garateen in dalkiinii timaadeen oo ciidankiinii ka mid noqoteen aad baan idinku mahad celinayaa kol haddii khaladkiinii ka soo noqoteen”ayuu yidhi taliyaha 7aad ee ciidanka Militariga ee gobolka Sool.

Taliyaha guutada 12-aad ee gobolka Sool Gaashaanle dhexe Axmed Hure ayaa isna ku soo dhoweeyey ciidanka magaaladda, isla markaana sheegay in maanta laga bilaabo ka mid yihiin ciidanka Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, saraakiisha ciidankan ka soo goostay Puntland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay yimaadaan Somaliland, isla markaana ka mid noqdaan ciidamada qaranka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland