4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Deegaanada Puntland oo looga diyaar-garoobayo Munaasabada 01-da August

Arbaco, July 30, 2014 (HOL) —
Iyadoo ay labo maalmood oo qura ka harsan yihiin xuska sanad-guuradii 16aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay Maamulka Puntland -sannadkii 1998- ayaa waxaa Garoowe iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro xuska kowda Agoosto.

Magaalada Garoowe oo iyada dabbaal-degyada ugu waaweyni ay ka dhici doonaan, waxaa ka socota qaban qaabo xooggan iyadoo diyaar garowguna uu amrayo meeshii ugu dambeysey.

C/rashiid Maxamed Xirsi waa Wasiirka Howlaha Guud iyo Gaadiidka ee Puntland, wuxuu sidoo kale guddoomiye u yahay guddiga qaban qaabada xuska kowda Agoosto. Warbaahinta ayuu maanta Garoowe kula hadlay, wuxuuna ka warbixiyey halka ay wax u marayaan.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in wax walbaa ay si habsami leh ku socdaan, islamarkaana la diyaariyey dhammaan kooxihii loogu talo galay inay dabbaal degga ka qayb qaataan kuwaas oo isugu jira askar iyo rayidba.

"qaban qaabada waxan bilownay 14kii bishan, guddiyaal kala sarreeya ayaa howshaas gacanta ku haya...meesha ay wax noo marayaan haddaad na weydiiseen aad iyo aad bay u wanaagsan tahay dhinac kasta marka laga eego..." Mudane Xirsi ayaa sidaas war-fidiyeenka u sheegay.

Dhanka ammaanka mar wax laga weydiiyey wuxuu tilmaamay in diyaar garow fiican arrintaas laga sameeyeye, laamaha kala duwan ee ammaankuna ay si fiican u shaqeyn doonaan inta lagu guda jiro daaldegga iyo weliba maalmaha ka horreeya.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Xuska Kowda Agoosto, wuxuu sheegay in halku-dhigga munaasabadda ee sannadkani uu yahay "Puntland Haysku Tashato".

Maamulka Puntland waxaa la dhisay bishii Agoosto kowdeedii sannadkii 1998. Laga soo bilaabo xilligaas Puntland waxaa soo hoggaamiyey shan madaxweyne oo uu ugu dambeeyo madaxweynaha xilligan talada haya ee C/weli Maxamed Cali Gaas.

Gobollada Puntland waa 9, degmooyinkuna waa 35degmo. Guud ahaan bedka deegaanada uu Maamulka Puntland ka arrimiyo waa 212,510 km2. Tirada dadka ku nool waxaa tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameyey sanadkii 2009 lagu qiyaasay 3.9 milyan oo qof.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya