4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 30, 2014
Barnaamijka - WALAAL AFURI - ee Bishii Ramadaan oo la soo Gaba-gabeeyay


Arbaco, July 30, 2014 (HOL) — Billowgii bishii Ramadaan ayay ahayd markii dhallinyaro Soomaaliyeed oo kale jooga dalal ka tirsan Yurub, Waqooyiga Ameerika, Australia, Khaliijka Carabta iyo Kenya ay u dhaqaaqeen barnaamij ay ugu magic-dareen - Walaal Afuri - kuwaasoo ujeeddadoodu ahayd una sidii ay ugu istaagi lahaayeen fikir ah inay afuriyaan masaakiinta iyo agoomaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale, barnaamijkan ayaa waxaa lagu afurinayay dad kale oo iyaguna ku nool dalal ay ka mid yihiin; Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Yemen, Sacuudiga, Masar iyo Thailand.

Barnaamijkan ayaa sanadkan waxaa ka howl-galay magaalooyin badan sida London, Bermingham, Milton Keynes, Holland, Sweden, Denmark, Norway. USA - Ohio, Mpls, LA, Santiego, Canada Toronto, Australia, Perth, Kenya Nairobi iyo Kuwait City, Dubai, Abu Dhabi, Finland, Germany  iyo Ierland, kuwaasoo wakiillo iyo xubno la shaqeynayay ay ka howl-galayeen.

Gabagabadii barmaanijka lagu afurinayay qoysaska saboolka ah iyo agoonta ayaa lasoo gaba-gabeeyay, iyadoo uu ku kacay qarash dhan 70,000 oo doollarka Mareykanka, isla markaana si toos ah loo gaarsiiyay masaakiibta ama agoonta Soomaaliyeed (Cash - AID) sida ay ku xaqiijiyeen bartooda Facebook-ga howl-wadeennada Walaal Afuri Group.

Shacabka Soomaaliyeed ee la socday barnaamijkan lagu quudinayay bishii Ramadaan walaalaha Soomaaliyeed ee daruufuhu haystaan ayaa si weyn u soo dhaweeyay, kuwaasoo maalin kasta sadaqada la arurinayay gacan weyn ka siin jiray dhallinyarada isku xil-qaantay arurinta samafalkan.

Wasiirka wasaarada warfaafinta Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa u hambalyeeyay barnaamijka ‘Walaal Afuri’ oo billowdey sannadkii hore, iyadoo sannadkan uu kusoo dhammaaday guul iyo farxad, iyagoo ku ballamay inay sannadka dambe haddii Alle idmo ay mar kale u istaagi doonaan afurinta masaakiinta Soomaaliyeed meel kasta ay ka joogaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya